Abdulrizak M Ali
Youth Activist and Civil Mobilizer
Thursday, December 16, 2021
Maxaa Sababay kor ukaca badeecadda caalamka?
Aduunku wuxuu wajahayaa xaalad adag oo uu sababsaday xanuunkan aafeeyey
caalamkoo dhan ee loogu magac-daray COVID-19 kaas oo keenay in dhaqaalaha
aduunku uu dhaco oo ay joogsadaan duulimaadyadii diyaaradaha, dadka guryaha
lagu xanibay iyo wershedihii waxsoosaarka oo soosaaristoodii hoos u dhacday
markii ay kordheen qiimayaashii raw-material kii iyo waxsoosaarkii mashiinadda
oo yaraaday. caalamku weli wuxuu la daala-dhacayaa korodhka xad-dhaafka ah ee
ku dhacay qiimaha kontaynariska iyo maraakiibta soo qaada (frieght charge),
taas oo dalalkii ugu soo waxsoosaarka badnaa sida (China, Bangaledish,
India..ETC) ay kordheen boqolkiiba labo boqol. Hadaba waxaan iftiimin doonaa
maalmaha soo socda waxa sababay kor ukaca qiimayaashan, goorta la filan-karo
inay qiimayaashu isbedelaan iyo wax keenay korodhka lacagta (Inflation) iyo
saamaynta taban uu kuyeeshay bulshada.
Tuesday, April 18, 2017
JAALLE MAXAMED SIYAAD BARRE CABDULLE YUSUF!
Jaalle Maxamed Siyaad Barre Cabdulle Yusuf waxa uu dhashay 1915 , wuxuuna ku dhashay , Laasgaal, deegaanka ceelgaab , shillaaabo ee Killinka shanaad ee Soomaliyeed.
Waxaa Jaalle Maxamed Siyaad dhashay Hooyo magaceeda la oran jirey Shaqlan Warfaa Maxamed, Iyadoo ay Jaallaha walaalo ahaayeen labo hablood oo la oran jirey, Xaliimo Siyaad Barre iyo Faatima Siyaad Barre Cabdulle.
Jaalle siyaad Awoowihii wuxuu ahaa Maddi (Innan keliya) , kaas oo dhalay 6 wiil oo inta badan ku dhintay dhaq dhaqaaqyadii gunima-diidka ee kasoo horjeeday gumaystaha, waxay ahayn ahaayeen Daraawiish. Adeeradii waxaa la oran jirey:
1. Xasan Barre Cabdulle oo ku dhintay Deegaanka Qararo, dagaal daraawiisha iyo gumayaha u dhexeeyey, wuxuuna ahaa Darwiish
2. Muuse Barre Cabdulle, Darwiish buu ahaa
3. Xirsi Barre Cabdulle, Dagaalkii Talyaaniga iyo Gunima diidkii 1935 ayuu ku dhintay
4. Faarax barre Cabdulle, wuxuu ku dhintay Deegaanka Wardheer , Aano qabiil baa loo dilay
5. Maxamuud barre Cabdulle, wuxuu ku dhintay Geddo
6. Jaamac Barre cabdulle, 1938 Abaartii ayuu ku dhintay
7. Siyaad Barre Cabdulle, Wuxuu dhintay wakhti abaar ku habsatay deegaamada Soomaalida, wuxuuna ka mid ahaa dhaq-dhaqaayadii gumaystaha kasoo horjeeday.
Wuxuu ku dhashay deegaamada Killinka shanaad ee Somalida, Ka dib markii dhaq dhaqaayadii Daraawiisha la jebiyey 1922 waxaa qoskiisu usoo guureen deegaanka Geddo.
1936 ayaa siyaad Barre wuxuu ku biiray ciidamdii Talyaaniga iyadoo laga qoray Gobolka Hiiraan, magaalada Beledwayn ee Iskoolkii Ciidamada Corde Sovie policia Italiano. Kadib dagaalkii Ethiopia iyo talyaaniga ayuu ka qayb galay, Isla dagaalkaasi markuu dhamaaday waxaa loosoo wareejiyey Xaafuun saldhig ku yaalay oo uu horjoogo ka noqday ciidamadii ilaalinaayey wershado halkaas ku yaalay, isla markaana haystay Ciidankii Ilaalinaayey maxaabiistii Xabashadi talyaanigu ka qabsaday.
Markii dagaalka 2aad ee aduunku bilaabmay waxaa waxbrasho 2 sanno ah loogu diray, Iskoolkii loo yaqaanay African rivals Atilpatic ee Kenya ku yaalay. Markuu soo dhamaystay tababarkaas wuxuu qaatay darajadii ugu sareeyey wuxuuna madax ka noqday iskoolkii laga qoray ciidamada ee Corde Sovie Policia Italiano. Sanadkii 1949, Markii Jamciyada aduunka ka dhexeysaa ku dhawaaqday in talyaanigu gaadhsiiyo Somalida koonfureed 10 Sanno oo madax-banaani iyo Ismaamul madax banana lagu dhawaaqay ayaa waxaa lagu abaal mariyey tababar 2 sanno ah oo loo diray Iskool talyaaniga ku yaalay oo la oran jirey Cardiero Policia Italiano. Markuu tababarkaas kasoo laabtay oo uu usoo idalaaday wuxuu qaatay Darajadii ciidan ee ugu saraysay ee Somali qaato.
Markii Xornimada la qaatay 1960kii wuxuu noqday Taliye Xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed. 5 Sanno kabacdi markii uu dhintay Taliyihii xooga dalka Soomaliyeed ee Daa’uud wuxuu noqday Sii haya, Taliyaha Xooga dalka soomaaliyeed ilaa 1969 markaas oo uu Inqilaab aan dhiig ku daadan isaga iyo 25 Sarkaal oo kale dalka kula wareegeen.
W/Q OO SOO URURIYEY: CABDIRISAAQ COORAAF
Saturday, March 19, 2016
Thursday, August 27, 2015
Jaamacada Maakhir: Sahan barwaaqo & kob rays leh.
Shey kastaa wuxuu taabo gal noqdaa marka bilowgiisa loo hibeeyo dedaal badan, wakhti iyo Fikir suuban oo tala wadaag ku dhisan. waana hubaal seeska hoose oo adkaadaa inay ka turjumayso u adkaysiga ruxitaanka dabaysha baylaha ka dhigada iyo guul darrada.
Gebagebadda shirkii Jaamacada Maakhir ee ay soo abaabuleen Madaalayaasha halganka dheer usoo galay Aasaaskeeda iyo Hawl karadii mudaddii u danbaysay gacanta ku hayey ee rumeeyey qaybo ka mid ah riyooyinkii laga lahaa bilowga jaamacada ayaa ah wax lagu farxo soo na jiidatay indhaha inta samaha aragta, jecelna isku duubnaanta iyo Horumarka wada jira.
Jaamacaddu waa meesha Bulshadu ka dhisanto, Waa halka lagu koriyo fikirka iyo caqliyada bulshada , Waa xarunta riyooyinka, Araahda iyo afkaarta suuban loogu bedelo waxa midha dhal ah, isla markaana Afkaarta khaldan lagaga saaro bulshada loona iftiimiyo Wadada guusha iyo horumarka.
Horumarku Waa ul isu dhiib, hugaanka hadba cidbaa ku suntan, hayaankuse ma joogsado oo geedigu inta la nool yahay wuu heeryeysan yahay, sahankiisu waa Sahan barwaaqo & kob rays leh. Isbedelku Waa astaamaha guusha , waa meesha farasku ka giijisto heensaha kana dhamaystirto qalabkiisa dagaal.
Taariikhdu iyadaa is qorta, waxayna xusi doontaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka Deegaanka iyo Jaamacada Maakhirba Madaalayaasha Asaaskeeda lahaa iyo Maamulkii shantaa Sano gacanta ku hayey_____ cidda hada Timaadaana waxaa laga maarmaan ah inay halkaas geediga kasii Wado, oo ay si mugleh dhaxalkan ummada uga shaqayso.
Abdirisak M Ali
abdurizak4a@gmail.com
Saturday, August 22, 2015
Mooshin Quutanimada &Ku bur burinta Sharciga Nidaamka Kicinta Dadka.
Dalka Waxaa ugu sareeya Saddexda haayadood ee Fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka. hay'adkastaa shaqo aad u muhiim ah ayay haysaa, waxaana waajib ah in ay booskeeda buuxiso oo dalka iyo Dadka dhineecada looga soo dhicin.
Nidaam ahaan Maamul jirey in meesha laga saaraa wax haboon maaha, Haloo maro Wadooyinka Reer galbeedku jideeyeen ee Codka ku dhisan, banaan baxa, kicinta shacabka ama gacanta oo laga-la hortagaa. dhibaatooyinka hada caalamku la deriska yahay ee Saamaysay wadamo badan oo Caalamka ka mid ah oo u badan wadamada Islaamka carbeed '' Gugii Carabta'' waa talaabo aan loo fiirsan oo lagu dhacay, waa dulmi la sameeyey. Waayo Waxaa Culimada Muslimiintu isla qaaadatay, diinteenana ku sugan in xataa haddii Maamulku marka hore inqilaab uu ku qabsado dalka, hase ahaatee la aqbalo oo dadku raali ku noqdaan in aan laga hor imankarin, lana ridi karin balse uhugaansani iyo adeecitaan lala yimaado wixii shareecada ku banaan.
Dhibaatada hada soomalida haysataa waa talaabadii xukunka looga tuuray dawladii dhexe ee soomalida, Taas oo aan la eegin xaga sharciga iyo Mafsadada iyo dhibaatada ka dhalan karaysay ka tuuri taanka Xukunka.Waxaa falkaas foosha xumaa oo keensaday in kumanaan dad ah oo Ahlu-tawxiiid ah ay naftooda ku waayaan, dhiigooduna dhulka ku daato, in Malaayiin Maato, Dumar iyo waayeel ahi ay barakacaan oo ay qaxaan. Wakhti xaadirkana hadaad u fiirsatid wadamada carabta ee banaanbaxa lagu inqilaabay ma degin welina guul waarta lagama gaadhin halkii la filaayeyna suurtoobi wayday; iskadaa inuu midha dhalee, hagaag kama muuqdo waayo wuxuu ahaa fikir madhalays ah oo lagu guuray fiirsasho la'aan.
Hadaba, Waxaa dhibaatadu tahay in Soomalida oo khaladaadkaa hore ku dhacday horseedna u ahayd ay ilaa maanta garwaaqsan la' yihiin khaladkooda, oo ay hayaan dhabadii bur burinta sharciga iyo Maamulka iyagoo ay hugaaminayso dano gaar ahi '' Haddii uu Hunguri Ina hugaamiyo Waa hoog, Caqligana waxaa laynoo siiyey ku garashada wixii quman qabashadooda iyo Qayba Tirkeeda''.
Waxaa nasiib darro ah in Mudanaashii Metalaayey dadkani uu xaalkoodu dhaafi waayey koob shaaha ku dalbasho sharci duminta iyo Mooshin quutanimada ku salaysan dhuuni beri dhamaanaaaya. Qabyaaladu waa Wadada hooga soomaali u horseeday, Hunguri Xumada aan xalaasha ahayna waa ta godka kusii aastay oo diidan inay madaxa soo qaadaan.
Waxay ahayd inaan cashar ka barano wixii aynu hore usoo galnay kana toobad keeno, waayo xalaal maaha mana banaana in maamul iyo hugaamiye shaqaynaaya in meesha laga saaro , waayo waxaa lumaysa sharciyadii, dhibta ka dhalanaysaana ma yara, Jumhuurta culimada islaamka ahina way isku raaceen.
Guntii iyo Geba-gebadii dhibaato kastaa oo kugu dhacda ama kula soo deristaa waxay ubaahan tahay cashar ka barasho '' Muslina God laba jeer lagama wada qaniino'' , Waxaase Hanbalnimo ah in aadan cashar ka baran, aadana ugaga digtoonaan waxyaabaha timaadada ah ee mustaqbalka.
EEBE XAQA HA INA FAHANSIIYO!

Guul Labada Daarood-ba
Abdirisak M Ali
abdurizak4a@gmail.com
Youth Activist and Civil Mobilizer
Ignite the Youth.
abdurizak4a@gmail.com
Youth Activist and Civil Mobilizer
Ignite the Youth.
Wednesday, July 8, 2015
'' Shacabku Hadaanu samayn karayn Dawlad, Sidee Dawladu u samayn kartaa shacab?
Muhiim weeye qofkastaa halka kaga aadan horumarinta bulshadiisa iyo Dalka guud ahaanba inuu si hagar la'aan ah uga hawl galo, Dedaalka shakhsiyaad ee laysu keenay ayaa horumar hor seedi kara.
Waa nacasnimo wayn in waajib umaddi ay leedahay laga sugo hal qof ama koox gaar ah waana astaanta dib u dhaca, Waxayse u baahan tahay garasho iyo Garaad xeel dheer oo ka fayow midi midi ku taag iyo Danno Shakhsiyeed oo safarka nolosha aan shakhsigana si wanaagsan ugula rafiiqi karin bulshadana boog madow ku ah.

Halkay wax ka dhismaan oo horseedi kara badhaadho umadeed waa hugaan wanaagsan iyo bulshadiisa oo la shaqaysa kuna kaalmaysa hugaanka hogo-tusaalaynta Wanaaga iyo wax qabad maduugaan ah.
waxayse su'aashu tahay '' Shacabkii Hadaanu samayn karayn Dawlad, Sidee Dawladu u samayn kartaa shacab?
waxayse su'aashu tahay '' Shacabkii Hadaanu samayn karayn Dawlad, Sidee Dawladu u samayn kartaa shacab?
Waa su'aal aad moodid inay ka da'a wayn tahay Garaadka Bulshada somaliyeed, isla markaana aanay iskuba dayin inay si turxaan la' uga jawaabaan, Waana sababta keenaysa Hugaamiye kasta oo yimaadaa inuu ka badsado dhaliilaha iyo ceebaha ay bulshada qaybeheeda kala duwani ay huwinayaan hugaamiyihii ka horeeyey. taasina waa mid ku timid markeedii hore wax siwaydiin la'aan ay hurinaysay Dano gaar ah ee aan looga gol lahayn Hugaamiye waxqabad ku astaysan bulshadiisana ka saara dhibta una horseeda badhaadhe shamaca guushan u shida.
Waxaad mooda dhaqanka reer galbeedka ee '' Afka horta ah'' inta aynu soo waaridnay aynu markaas uga faaidaysanay inaynu wax ku dumino isla markaana Wanaag iyo Xumaanba dadka qaarkii ay ku dhaliilaan. waana astaan muujinaysa Damiirkii iyo garaadkii Wanaagsanaa inuu lumay isla markaana ay soo ban baxday danta gaarka ah ee ku dooda, waxna ku raadisa xaq iyo xaq darroba. dhinaca kale waxaad moodaa in intii garaadka lahaydna ee ka madhnayd barnaamijkaas aan kor ku xusnay inay Daawadaayaal ka noqdeen ciyaarta oo ay markhaatiga ukala furi waayeen labada kooxood iyagoo ku salaynaaya Barnaamijkaas waxaa wax u mara reer galbeed ama cid kale iyo waxyaabo kale.
Waxaa xaqiiqadau tahay ''Sida ay nacasnimo u tahay in ilbaxnimada caddaanka idilkeedba la iska wada xantoobsado ayay doqonniimo u tahay in laga baqo oo lala dagaallamo”
geba gebadii, Haddii aanay bulshadani samaysan hugaamiye dhab ah oo badhaadhe horseedi kara, Meeshana ka saarin danta Gaarka ah, tabaalaha, taag darrida, dhaliisha, ceebaynta, waxqabad la'aanta, hagar daamada iyo gefkuba caado ama dhaqan ayuu ahaan doona, Waana lagama maar maan in bulshadu ay si xeel dheer uga jawaabto.
Abdulrizak M Ali
Thursday, June 11, 2015
YOUTH: LET THE YOUTH THEIR ROLE
Policymakers
around the world are paying increasing attention to the younger generation and
its role in shaping society. The young generation has played a major role
in recent events in the Middle East and North Africa, and was pivotal to the
Arab Spring as well as to the ongoing violence in places like Syria and Libya.
And with unemployment figures remaining extremely high, frustrated young
people represent a ticking time bomb in the developing world.
Despite a surge in the
youthful demographic around the globe, current international mechanisms do
not sufficiently address their specific place in peace and security, nor the
role they can play in economic renewal in war and poverty-affected countries.
Almost half of the world’s
population has been estimated to fall into the youth bracket. But the sad
reality is that a huge number of them live in over-populated, poverty-stricken
areas or conflict and crisis zones. This translates into a huge social
development setback which deeply affects the ability of young people to fulfill
their responsibility as the backbone of human development. This is especially
true in areas of conflict or poverty, where political and economic exclusion,
inequalities and the overall undermining of the role of the young threatens any
sustainable peace-building process and stable economic growth.Young people in these conflict
zones are both the agents of violence as well as its victims – when conflict
erupts, they become exposed and vulnerable to armed or political recruitment
and exploitation.
Abdirisak M Ali
Wednesday, June 10, 2015
3 CHALLENGES AND 3 OPPORTUNITIES IN SOMALI'S YOUTH
Somalia’s challenges – and opportunities
Somalia, where I grew up and spent most of my life, is a country plagued by civil war, armed conflict, terrorism, and political, economic and social crises. Amidst the resultant breakdown of law and order, displacement, poverty, migration, and deep instability, the young generation – like other vulnerable groups in society – was used as a tool on the battlefield. But it was entirely excluded from political processes and decision-making.
Studies show that over 70% of the Somali people are less than 30 years old. This majority has the capacity to either destroy the country further or contribute to its rebuilding.
Somali history recognizes a group of 13 young men as the founding fathers of the nation. They brought about independence through sheer determination and a commitment to defeat colonial powers. Yet today, young people are excluded from the system, perhaps to the detriment of our nation.
It’s essential that youth perspectives be included in peace-building processes and decision-making on peace and conflict. The inclusion and participation of young people enhances their capabilities and affords them the opportunity to develop their lives as well as their societies. Including youth in peace-building processes, as stakeholders and decision-makers, allows them to gain ownership of the policies that affect them as much as the rest of us. It is also necessary to bring about a paradigmatic shift in the concept of the role of youth in conflict which transforms them from being victims or agents of violence to being active agents of peace-building and positive social change.
The main challenges that Somali Youth face today:
1. Although they make up the majority of society they are completely excluded from processes of decision-making, even though these very decisions determine their future.
2. The absence of basic economic infrastructure and a lack of social services fuel a high rate of unemployment among the young generation; 67% of Somali youth are estimated to be unemployed.
3. A lack of any clear and promising policies that will help to overcome the issues which trigger emigration, violence and youth exploitation.
It is also important to emphasize youth involvement at the community level. There is much to be gained from including youth in the peace-building and community engagement processes, including strengthening their capability of contributing and leading healthier, progress-oriented and more enthusiastic communities.
The inevitable solutions that need to be implemented:
1. Guarantee formal and informal education for young people, channeling their power and energy into learning and development.
2. Acknowledge and include young people as stakeholders in the process of peace and security building, bearing in mind that conflict and the key to a progressive nation affect them both.
3. Eliminate the catalysts of conflict, including those related to economic challenges (youth unemployment) and the political exclusion of the youth.

Sunday, June 7, 2015
MALAB WEEYE AQOONI
Raadinta Aqoontu Waa shay inaku wada Abuuran, Waa wax aad iska jeceshahay inaad wax ka ogaatid (curiosity) wax kaa daahnaa ama inay shaywax kaaga kordhaan , waxaase kala tagsan maqsadka Barashada shayga iyo weelayntiisa. Waxa macnaha u sameeyaa barashadana isla markaana dhadhanka u yeelaa waa ujeedka iyo hadafka aad ka leedahay marka hore, weelayntiisuna waxay la korodhaa hadba hadafkaaga.
Malab weeye Aqooni
Farta Miida kii daray
Muudsaday ayaa Garan ( Si dadban iyo Si Dhigaalba)
Farta Miida kii daray
Muudsaday ayaa Garan ( Si dadban iyo Si Dhigaalba)
Waxaa la oran karaa Barashadu waa shay ku talaalan Dhiigeena ama Hidasidaha Bini-Aadmka ( Education is written in to our DNA), lama oran karo Ruux saaran Dhulka korkiisa waxba muu baran (Miyi iyo Magaaloba), Waxaase kala duwan Hanaan iyo Qaabka Waxbrasho ee qofkani wax u bartay ama Aduunkan wax uga korodhsaday.
Tusaale Gaaban oo Daaha ka rogaaya, Awoowayaasheen lama oran karo waxba may baran, Balse waxay Barteen Hanaanka Xoola dhaqista (Live stock Rearing), Noocyada badan ee Dhirta ( Different types of Trees), Duur-joogta (Wild life), Beero falashada ( Farming) iyo Ciida ku wanaagsan in wax lagu beerto IWM. Taasi waxay ku tusinaysaa in Barashadu ay ka xeel dheertahay Dhigaalka qalinka iyo Buuga, balse hanaanka ayaa kala tagsan oo ilbaxnimo iyo Xadaaradu macno wayn u samaysay Dhigaalka.
Sirtu kuma jirto Qaabka aad u baranayso, macno wayna samayn mayso inaad qaab xadaari ah wax u baranayso iyo Inaad qaab leexsan u baranaysid, Laakiin halka ay fadhiisatay waa Maqsadka iyo Ujeeedka. Hadba halka Hadafkaaga waxbrasho Gaadhsiisan yahay ayaa aqoontaadu noqonaysaa mid naafic ah, Waxna Soo kordhin karta waxna bedeli karta, Haba ahaatee waxbrasho Dadban (Informal Education). Hadaba Hanaanka aqoon raadistu yuu kaa noqon Magac, Shaqo ku hel iyo Ujeedooyin gaagaaban oo aan safarka Nololeed inbadan kula geli karayn, Balse ha noqdo Mid Sare oo himiladeedu tahay inay wax ka bedesho noloshaada , isla markaan weelaynteedu Wanaagsantahy, Anfacna u leh bulshada iyo Dalkaba, Una tababarnaw Markasta aradynimo.

Friday, June 5, 2015
KHURAAFAADKA BAADIYAYNAYA DADKA CAQIIQDO AHAAN AAN U DHISNAYN
Barashada Diintu waa shay waajib ah oo saaran qof kasta oo ku dhashay Fidrada. Waxaad Moodaa Dadkeenu in aanay Diinta baranin, In badan oo baratayna ay ka baratay Culimadii Xerta oo u gudbisay waxyaabo badan oo Khuraafaad aan sal lahayni ay ku duugan yihiin, Isla markaana ay dadkiina Qaateen.
Waxaan Dadkii hore aad uga maqli jirey ''sheekh Hebel'' baa halkaas kasoo daahiray '' Waaba Sheekh Wakhti Hore Dhintay'' isla markaana cidaamkiisii iyo lafihiisiiba boodhka raaceen.
Waxaa beryahan danbe aan arkaa ''Sheekh Axmed Daad'' oo Ilaaliya Qabriga Nebiga SCW ayaa Warqad soo qoray oo qofkii Fidiyaa uu Khayr iyo Maaliyad ku helayaa, Kii Tuuraana waxkasta ka kala Daadanayaan.
Waxaa Iyana Maalin Dhowayd Dhegahayga kusoo Duulaayey Inan la leeyahay way riyootay oo sheegatay Awoodaha Illaahay qayb ka mid ah oo Tiri Sooma, Dadkiina ay iska Raaceen oo qaarkod Soomeen-ba.
dhamaan markaad isku darto Waxyaabhaasi waa khuraafaad, aan loo lahayn Daliil sharci ah, Balse baadi cadi ku sugan tahay.
Ma jirto sheekh, shariif, iyo shaydaan ba wax soo daahiraa ee waase camal xun oo shaydaan u qurxiyey, Qofkastana wuxuu aha wuu la god galay.
Dhinaca kale, Fariinta Axmed-Daad ee Suufiyiintu Wadataa ee ay ku doodaan wuu riyooday oo Nebigii buu Ku riyooday SCW waxka Jiraa ma jiraan, Nebigeena Suuban SCW wixii Eebe u waxyooday iyagoo dhamaystiran ayuu inoo ka tegey, Isla markaana wixii dhacay inoo ka waramay, Waxa dhici doonana Inoo sheegey, Balse Kuma Jirto Ina axmed Daad Riyoon doono ama Hebel kale, Waase Been abuurasho wayn iyo Camal Shaydaanku u qurxiyey, Cibaado uga dhigay, Laakiin Baadinimo ku sugantahay.
Inanta Riyootay ee Qaybka iyo waxa maqan ka warantay waa wax aan wax ka jirin, balse qaybka iyo wixii maqan Alle SW ayaa Og cid kalena lama oga, awoodaasna lama Wadaagto '' Laa Yaclumul Qayba Ila laah'' haday xaqiiqo sheegayso se, Maalintay dhimanyso ayay Ogaan lahayd.
Dhamaan waxyaabahaas khuraafadka ahi waa camal shaydaan, isla markaana lagu luminaayo dadka aan caqiido ahaan u dhisnayn. waxaase muhiim ah in qofkastaa waajibkaas saaran ee Diin barasho uu ka dedaalo isla markaana uu ka diyaar garoobo Fitanta, Wixii Markaas aad la kulantana oo aqoontaada dhaafsiisan aad la kaashato culimada.

Eebe ha Inaku Arsaaqo Dalbshada Cilmiga saxda ah iyo Raacitaankiisa
Abdirisak M Ali
Subscribe to:
Comments (Atom)