Thursday, November 27, 2014

GARAADSO INTAADAN GUURSAN

GARAADSO INTAADAN GUURSAN

Markaad aragto weedhahaas aan ciwaanka uga dhigay qormadan kooban waxaa markiiba kuu muuqanaaya oo maskaxdaada kusoo dhacaysa inaan ka hadlaayo oo usocdo guur iyo da'a, laakiin arinku taas wuu ka duwan yahay oo waa ujeedo badanleey dhinacyo ka gedisan kaas wax u iftiimin doonta kuna jaan gooyn doonta ciwaanka qormada!
Aduunkan aynu ku noolnahay waa laysi soo gumaystay, dalalbadan baa wax gumaystay kuwana waa la gumaystay haba u ba'naatee qaarada Afrika oo lagu qaybsaday shirkii Barlin 1884 (Africa Partition). Haddaba inkastoo uu gumaysigu uu dhib badan yahay lagana faaidaysanaayo muruqaaga iyo khayraadka ku gedaaman deegaankaaga dulmi iyo xaqiraadna aad kaga noolaanaysid wuxuu ahaa cashar aad u macaan oo dadka sida wanaagsan ay ka qaateen macnaha, dhadhanka iyo macaanida xoriyadu leedahay, waxay ahayd tababar wanaagsan oo ay dalalka Afrika soo qaateen xiligii gumaystaha aadna moodayso hadaad yare fekerto Malaha hadaan wakhtigaas dalalka Afrikaan ka ah la gumaysan maanta lama heleen dal Afrikaan ah oo hanaqaada oo waxaa aafayn lahayd is-qabqabsi, maamul jacayl iyo nidaam la'aan.
Iyadoo ay saas tahay Somalia waxay ka mid ahayd dalalkii lasoo gumaystay muddo ku siman Toddobaatan iyo lix sanno (76) la gumaysaanaayey, soo dhadhamisay dhibaatada gumaysiga, kasoo cabtay ceelka cabudhinta iyo xoriyad ka qaadista gumaystaha, kana soo qaadatay casharo ku filan haddii sidoodii loo dabakhi lahaa. Waxaase nasiib darro ah maanta oo laga joogo wakhtigaas Afar iyo konton Sano (54) iyo muddadii xoriyada dib loo hantayba ee gumaystuhu uu gebi ahaanba ka huleelay geyiga Soomaalida in ay la deris ahayd is qabqabsi, maamul xumo, sed bursi, Inqilaab, qabyaalad, maamulo reeraysan, qax, carar, dagaal sukeeyo iyo dhibaatooyin badan oo la mid ah iyo kuwo kasii daran ba. markaad dib u jaleecdid cahdiguu gumaystaha iyo ka gil gilashadii Somaliyeed iyo markaad waxyaabaha xoriyad dabadeed dhacay aad isu miisaantid waxaa kuu muuqanaaya kaaf iyo kala dheeri, waxaad moodaysaa in dalkan gumayastuhu awrtiisa ka rartay iyagoo aanay dadkani u bislaan dawladnimo, waxaad moodaysaa in dalkani aanu helin muwaadin iyo hugaamiye sax ah ee loo baahnaa haddii la helayna aan wakhti la siin ama lataliyaashu ka xumaadeen, waxaa kuu muuqanaysa in dadka Somaliyeed oo jibo xukun iyo maamul ku jirto markaana indhaha kala qaaday faraha laga geliyey xoriyadii.
Waxaase wax laga xumaado ah in weli uu dadkii iyo dalkii Somaaliyeed uu haysto jaahwareer siyaasadeed oo ay sababtay qabyaalad, qof jeclaysi, xukun jacayl iyo eex, waxa taas raacda in maanta  dalka Soomaliyeed ku jiro xoriyad 54 sano jirsatey in ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye iyo gacmo sagaalaad oo wada dan gaar ah doona iyo maanta dalkan looga baqo inuu dib ugu noqdo gumaysi oo gacanta uga galo Afrikaanka kale iyo xulufooyin Reer galbeed ah. Waxaan is waydiinayaa Somaliya goormay iska afuufi doonta Qabyaalada, qof jecelaysiga iyo sed burisga eexda ku dhisan , Goormay Qaangaadhi doonaan Somalidu oo ay ka gil gilan doonaan tuurina doonaan koodhan qoyan ee ay sitaan hurdadana ka kici doonaan si sax ah u fekeri Doonaan!
Muddo badan oo lagu soo jirey dagaal sokeeye, qax, carar iyo dhibaato ka dib, waxaa nasiib daradii ugu waynayd ah in markii dib loo dhisay dawlad aan ku meel gaadh ahayn iyadoo aan weliba gacan shisheeya ka madax banaanayn in ay is haystaan madaxdii dalka ugu saraysay iyadoo ay sal iyo gun dhig u tahay khilaafkooda danno gaar ah iyo qof jecelysi  ayna taas la jaar tahay ku dhaqmi la'aan xeerarkii, sharcigii iyo dastuurkii Somali ku heshiisay iyadoo ay ku ladhan tahay oo aan maanta la helin qof la oran karo waa muwaadin Soomaali bad baadin kara kii loo filona meesha awood lacageed iyo xeelado kale lagag saaraayo meesha.

Waxaan kusoo afmeerayaa Somalidu weli ma bisla iyadoo gumaysi iyo dhibaatooyin badan soo martay welina uma diyaarsana sixitaanka khaladaadkeeda meeshana kama saarayso eexda, qof jeclaysiga iyo Qabyaalada. Somaliya Waxaa loo guuriyey iyadoo aan garaad san oo aan qaadhin, shaadhka xoriyada loogu tolay taash 1960 waa halkii Hurre walan wale '' Macalinkii ku geda baray baa isagoo aaun kuu gal-gaal bixin gudcur kaaga tegey Dam'ah''.



W/Q: Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
Email: abdurizak4a@gmail.com 

No comments:

Post a Comment