Sunday, August 24, 2014

SANAAG MA SABOOL BAA U SAHAN TEGEY?

Gorfayn:




Maqaalkan waxaan ku eegi doonaa, kuna Qaadaa dhigi doonaa Sanaag iyo waayihii bur burka kadib,  ha ahaato mid,  deegaameed, horumareed, bulsho ahaaneed, siyaasad ahaaneed iyo wax qabad ahaaneed.
Ka dib, bur burkii Dawladii dhexe ee Soomaliyeed, waxaa bur buray kaabayaashii dhaqaale, waxaa bur buray ganacasigii, Qax, Sabool haad iyo bayla-haaf baa ka dhacday, Waxayna ahayd mushkila caam yeeshay oo saamaysay dhulka soomaaliyeed oo dhan, Sanaagna Dareenkaas xanunka badan way la qabatay.
Si kastaba ha ahaate, bur bur dabadii waxaa laga soo bilaabay wax kasta xaga hoose, qofkasta, degaankasta, iyo gobol kastaana wuxuu bilaabay sidii uu usoo kaban lahaa, oo dib nolosha ula soo qabsan lahaa. Talo waayeel Dabadeed, deegaanada  Soomaaliyed badankeedu waxay dhisteen Maamulo, Ha ugu horeeyaa Jamhuuriyda Somaliland, Taas oo talo waayeel, Cuqaal, salaadiin,  waxgarad iyo siyaasin maskaxda tuujiyey ku timi. Laba shir oo laysugu yimi 1991 iyo 1993 kana kala dhacay Burco iyo Boorame , looguna kala Magac daray Axdiga Nabad, iyo Axdiga Qaranka ( peace charter 1991, National Charter 1993) ayaa waxaa lagaga tashaday masiirka dadka iyo deegaanka gobolada waqooyi, iyadoo lagu heshiisiiyey dadkii walalaha ahaa ee xurugfta iyo Xabadu dhex martay.
Maskax waayeel dabadeed, Jamhuuriyadu way Hanaqaaday, Hadba taagteedu way koraysay, tamarteedana may yaraysan xukuumadihii usoo kala danbeeyey, xukuumadba meeshay ay soo dhigto laanka, ayay ta kale  ka sii wadaysay. Mudadaas iyo wakhtiyadii, Abdirahman tuur ( Alle- ha u raxmadee), Maxamed X. Ibrahim Cigal (Alle- ha u raxmadee), tii Riyaalle, Waxaa la dhisayaayey oo xooga la saaray gobolada Galbeed, kuwaas oo ay dawladnimadu ka hirgashay, horumar badana la gaaadhsiiyey, aad na moodo waxay gobolada kale gaar ahaan Sanaag ka horeeyaan 20 Sanno. Mudadaas waa la dayacay gobolka Sanaag, waxa lagu guul daraysatay in nidaam dawladeed oo sax ah laga hirgeliyo, waxaa lagu fashilmay in kor loo qaado adeega bulshada, waxaa lagu fashilmay in laga hirgaeliyo barnaamij horumarineed.
Arar dabadeed, Aan geediga u kexeeyo meeshaan u socdo, hayaankana aan ku furo meel rays leh, aan qeexo u jeedka , aan sharaxo sababta igu kaliftay maqaalkan iyo in aan waxka qoro Sanaag, Gaar ahaan sanaag bari, Waxaan wakhti badan jawaab u waayey waxa sababay in Sanaag bari ay ka danbayso deegaanada kale, Waxaan isla waayey Somaliland weeye, dheefna kama soo gaadho, waxqabad na daa. Hadaba arinku wuxuu kusoo ururayaa labadan Su'aalood, aana ku falanqayndoonaa Maqaalkan.
1. Ma Magaca Ayaa la wadaagaa oo Somaliland lagu wada yahay?
2. mise, Cida u sahan  tagtay Sanaag Bari ayaa Sabool ah oo aan waxba soo dhaafayn?
Guud ahaanba Sanaag iyo Gaar Ahaanba sanaag bari waxaa iska cad in laga jeestay, in aan laga shaqayn sidii loo soo gaadhsiin lahaa Gobolada kale, Waxaa  muuqata in laga hamraday, haday ahaato xag arimo bulsheed, xag horumareed iyo dhinaca kaabayshaasha dhaqaalahaba.
Hadaan isku dayo in aan ka jawaabo labad su'aalood ee kor ku xusan, Hada Arinku siduu u socdo iyo siduu hore ugu soo socday ba waxaan ku dhaafi Doonaa Tuducyo  ka mid ah Gabay uu lahaa Alle-ha uraxmadee Axmed Saleban Aw gadhle,
Geela Maalintii Raac
Makhribkiyo Habeenkii
Aan kugu agmaale
Ha magaabin caanaha.
dhinaca kale, Iyana waa markhaati ma doonto in siyaasiyiinta usoo sahan tegey Sanaag Barri ay noqdeen dad aan dan badan kalahayn Deegaanka, noqday Danaystayaal aan wax ka ogayn deegaanka, aan u qaabaysanyn danta deegaanka iyo dadka ay metelaan, Waxaa taa dhinac Socota Xukuumada hada joogta iyo kuwii ka horeeyey oo ku fashilmay in ay la xisaabtamaan ayna noqdeen waxkasta daaha Dabadiisa.
Tusaale Gaaban, Xukumaduhu Waxay Sool iyo Sanaag Miisaaniyada ugu dartaa 2% wax la yiraahdo, Hadaba 2% waa la qaaday uun baa la maqlaa Maxaa lagu Qabtaa? Qaabkee loo maamaalaa?  Siyaasada Xukuumadu ka leedahay Maxay Tahay? la xisaabtan nooce ah ayaa la mariyaa?
Waxaa wax laga xumaado ah 2012 waxaa laga qaaday lacag qiyaas ahaan Nus malyuun ($500,000), waxay ku magcaabnayd Sanaag Barri, Waxaa la eegaayey in Hooyooyinka uurka leh ee aan haysan daryeel caafimaadka ee jidadka ugu dhinta caafimaad la'aan in loogu dhiso xarumo Caafimaad, In lagu horumariyo Arimaha Bulshada, in lagu dhiso Iskuulo, in Deegaanada Oomanayaasha ah Ceelal loogu dhiso Inta Saldhigyo lasoo dhagax dhigo, Waxaa caqliga Saliimka ahi diidayaa degaanka Intaas oo dhan u baahan, ayna ka jirto Nabad, Dadkeeduna Nabad kuwada Noolyihiin in saldhigyo laga dhiso, Waxa kaloo caqligu is waydiinayaa Xukuumadu maxay ula xisaabtami wayday mise Xukuumada lafteedu Daaha dabadiisa ayay ka daawanaysaa, Muxuu Hanti dhawrku usoo faragelin waayey, Waa Nasiib Darro.
si kasta ha ahaato Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay Sanaag Barri u samayso siyaasad cad oo horumarineed.
Waxaan kaloo dadka deegaanka u baaqaynaa in ay noqdaan dad soo jeeda, Xukuumada kula xisaabtama saamiga ay leeyihiin mid maamul iyo mid dhaqaale-ba isla markaana la xisaabtama masuuliyiinta kasoo jeeda deegaanka ee metala, hadii laga fursan waayona xukuumada ku khasba in loogeeyo cid Deegaanku rabo, horumarkiisana ka shaqeeya. fariintaana du dirayaa waa tuduc ka mid ah Maansadii Ibrahim aw gadhle Alle ha uraxmadee

Ninku yiri massaan nahay
Mar la qaad Tallaabada
La malayso mooyee
yuu midiidin kaa dhigan
midho aad la leedahay
yuu kucunin is moodsiis
Haduu Tiisa Maamulo
Adna Taada Maarre
Haduu sheegto meeleey
Mur kasii Qadhaadh noqo


W/Q
Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf

la saco................................







Saturday, August 16, 2014

Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf: GUULEED 2: TAWFIQ MAYEESHAAN DADKAAN WAX IS TUSAAL...

Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf: GUULEED 2: TAWFIQ MAYEESHAAN DADKAAN WAX IS TUSAAL...: Kala yaacsanaan badan Dabadeed, Turxaan iyo Talo la'aan saamaysay beel waynta warsangeli, waxaa talo waayeel dabadeed lago'aamiyey ...

GUULEED 2: TAWFIQ MAYEESHAAN DADKAAN WAX IS TUSAALAYNE


Towfiiq mayeeshaan dadkaan wax is tusaaleyne
Tixda iyo tiraabtaba dantaa lagu tilmaamaaye
Taariikhihii hore haddaan tuduc kasoo qaato
Saldanadu taswiirbay lahayd loo tixgaliyaaye

Waxaa beryahanba Badatay hadalhaynta Shirka Guuleed ee beesha Warsangeli  uga furmaaya Xingalool, Waxaa sas uu ku riday xukuumada, siyaasiyinta kasoo jeeda Beesha qaarkood, bulsha Waynta kale.
Hadaba, Kala yaacsanaan badan Dabadeed, Turxaan iyo Talo la'aan saamaysay beel waynta warsangeli, waxaa Maskax midaysan iyo  talo waayeel dabadeed lago'aamiyey in beeshu isu timaado, Wada tashato, Aayeheeda ka tashato, lays turxaan bixiyo,lagana tashadao horumarka deegaan ahaaneed, bulsha aheeneed iyo dhaqan- dhaqaale aheendba,  si loo soo celiyo maamuskii iyo milgihii talo wadaag ee beesha, Karaamada saldanada, talo wax kasiinta Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarta, Qurba joogta, Waxgaradka, indheer garadka iyo dhamaan bulsha waynta reerka. Abaabul muddo qaatay dabadeed, Waxaa la cayimay in bishan August beeshu isugu timaado shir kaas oo ay kaga tashadaan, Barnaamijka Horumarineed ee deegaanka, bulsha haaneed iyo  dhaqaale ahaaneed.
Shirkani Waa shir horumarineed, Waa shir ay beeshu kaga arin sanayso aayeheeda siyaasadeed, dhaqan dhaqaale , waa shir ay beeshu ku tashanayso oo ay iskaga saarayso wixii turxaan ah maadaama aan inbadan beeshu shir isugu Iman. Waa shir aan waxba kaga duwanaynayn shirarkii ka qabsoomay wakhtiyada kala duwana, Gar-adag, Buurta Daallo, Bali-Gubadle, iyo geed deeble ee Beeluhu ay kaga arinsanayeen aayohooda siyaasadeed, dhaqanahaaneed, dhaqaale iyo horumar ahaaneed.
Waa shir ay beeshu kaga arinsanayso Barnaamijka horumar ahaaneed ee deegaanka, Maadaama deegaanku uu noqday mid gaabis ah oo gobolada kale ka danbeeya, xukuumada Somaliland-na ay ka jeesatay, mudadaas 23 sanno ahna xooga la saaraayey gobolada galbeedka, laakin lagu fashilmay in barnaamij horumarineed oo sax ah loo sameeyo, Waxaa iyana aan meesha ka maqnayn in Saamigu beeshu ku lahayd xukuumadan kulmiye ee hada talada dalka haysaa uu ka maqanyahay meesha, lana saluugsanyahay, Ayna markhaati ma doonto tahay in sad bursi ku jiro xukuumadan hada talada haysa, Waxaa iyana shaki aanu ku jirin in xukuumadu aanay helin cidii deegaanka ka shaqayn lahayd horumarkeeda,  isla markaana dadka deegaanku taabacsanyihiin, taageerona ka haysta..
Waxaan gebi-ahaanba ku jirin Ajandaha shirkan aayaka taliska ah, Waxyaabahan saska laga qaaday ee warbaahintu qorayso, Siyaasinta qaar aan war hayn iyo dadka buun-buuninta jecelba sheegayan ee ah inay kasoo bixi karaan waxyaabihii kasoo baxay shirkii Saax-dheere lagu soo gebegebeeyey, iyo inay cid gaar ihi dabada ka riixayso Balse wuxuu la mid yahay Shirarkii hore uga soo Qabsoomay Daallo, Bali-gubadlle iyo gar adag ee wada tashiga beelaha ahaa.
ka dhalinyar ahaan, Aqoonyahan ahaan iyo waxgarad ahaan waxan Aminsanahay in deegaanku somaliland yahay waxna lala qaybsado, isla markaana waxaan dhaliilsanahay nidaamka maamul ee dalka ka jira iyo siduu indhaha uga laabatay horumarka deegaanka, Waxaanu tebeynaa in doorkii  dhalinyartii deegaanka aan siyaasada, shaqada, iyo talada dalka guud ahaan laga qadiyey, waxaanu dhaliilsanahahay nidaamka saami qaybsi ee xukuumadu ugu talo gashay beesha iyo guud ahaanba deegaanka, haday tahay xaga shaqada, xaga madaxda ciidmada, wasiirrada, ku xigeenada, agaasimayaasha, iyo sida loo maamulo 2% uu ku magcaaban yahay deeganku.
Geba-gabadii ka Aqoonyahan ahaaan waxaan xukuumada usoo jeedinaynaa in ay la timaado  oo ay usamayso Sanaag-bari barnaamij horumarineed oo cad, kana hawl galaan kana shaqeeyaan dad maskax furan isla markaana lala xisaabtamo ee aan daaha dabadiisa laga daawan, waxaan ka sugaynaa Madaxweynaha iyo guud ahaanba xukuumadiisa in dib-u eegis ku sameeyo nidaamka shaqaale ee dalka, nidaamka saamiqaybsi iyo in talada dalka wax laga siiyo dhalinyarta deegaanka gaar ahaan iyo ta guud ahaaneedba.



W/Q.
Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
abdurizak4a@gmail.com




Sunday, August 3, 2014

Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf: SADAAL KOOBAN: NOOLAATAAY YIDIDDILADII NAXASH-KA ...

Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf: SADAAL KOOBAN: NOOLAATAAY YIDIDDILADII NAXASH-KA ...: Saadaal Kooban. Waxaa Jira Dalal badan oo aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay,  kuwaas oo ku yimi bur bur dalal midaysan oo kal jabay, Da...

SADAAL KOOBAN: NOOLAATAAY YIDIDDILADII NAXASH-KA SAARNAYD

Saadaal Kooban.

Waxaa Jira Dalal badan oo aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay,  kuwaas oo ku yimi bur bur dalal midaysan oo kal jabay, Dalal ay dagaalo kala qaybiyeen, iyo qaar koox gaar ahi ay doonayso inay maamulo gaara h samaysataan , kuwaas oo u dibjirey  mudooyin aad u badan inay ka mid Noqdaan o helaan Xubinimadaas waxaan aka mid ah Gobolka Kurdishka ee Ciraaq Iyo Somaliland.
Hadaba Waxaa dhowaan  uu ku dhuwaaqay hugaamiyaha ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq (Massoud Barazani ) in ay la gaadhay wakhtigii la heli lahaa Dawlad ka hirgasha Goblkaas oo kurdiyiintu leeyihiin lana Qaati doono Afti Dadweyne ( Referendum) Iyadoo aanay cadayn wakhtiga aftidaas la qaadi doono Ayaa waxaa kurdiyiinta jaanis siisay islaamiyiinta Suniga ah ee ka dagaalamaya  ciraaq, kuwaas oo fududeeyey inay dawladii halkaas ka jirtey ay lumisay awoodii ay dalka ku lahayd, gacanteedana ka baxay, ayaa waxaa la is oran karaa Jaanis ayaa halkaa ugu jira Kurdiyiinta.
Hadii Gobolkaa Kurdishka ay ka Qabsoonto, kana hirgasho  Aftidaas, lana ansixiyo oo uu noqdo lana helo Dalka Aduunka Ugu Cusub ee ( Kurdishka) waxaa fursad taas la mid ha haysata oo jaanis ugu jiraa Somaliland Haddii ay marto Wadadaas Kurdishk ayna ku heli kartaa Aqoonsi.
Waxaa cad In ay waxyaabo badan wadagaan Gobolkaa Kurdishka ee Ciraaq iyo Goboladan Waqooyi ( Somaliland), sidaa darteed Waxaan oran karaa Somaliland jaanis Ayay ka helaysaa Hadii Kurdishka loo aqoonsado Dal Gaar ah oo Madax -Banaan.