Thursday, October 30, 2014

MOOSHIN KA MACAASHNIMADA GOLAHA WAKIILADA IYO MUDDO DHEERAYSIGA XUKUUMADA




Umaddi sharcigay dhigatay inay ka danbaysaa un hugaansantaa waa waxyaabaha keena horumarka, waa wax yaabaha lagaga hor tago ku tagrifalka awooda iyo sharciga, waa nidaamka horseeda in cadaalad waarta la helo, sharciguna qabto qofkasta mansabkuu doono ha hayee (NO ONE ABOVE THE LAW). hadaba, waxaa wax laga xumaado ah markaad aragto golihii sharci dejinta ee Qaranka SOMALILAND oo iyagii is haysta, waxaa kasii daran iyadoo qarankan dastuurkiisu dhigaayo (check and balance) in ay siman yihiin ( golaha fulinta, sharci dejinta iyo garsoorku) ay golihii fulintu soo fara gelinayso golaha sharci dejinta garabna la safanayso halka doorkii garsoorku aanu muuqan  (Passive Role) oo aanu shaqaynayn.
waxay ahayd ahayd in xeerarka iyo shuruucda dalka  lagu kala baxo, mayse ahayn in afmiishaarnimo, is-eedayn , gar eexasho iyo dano shaqsiyeed ku dhisan lagu gartamo taas oo midha dhalkeedu ku danbeeyo eexasho dhinac loo eexdo iyadoo sharcigii aan la dabakhayn, Waayo waxaa meeshii ka maqan laantii kala saari lahayd golaha sharci dejinta iyo gola fulinta ee shuruucada (Article Interpretation)  macnayn lahayd oo fasiri lahayd.
Waxaa lagu kala tegey oo umadiba umad ku dhaaftay, dalba uu dal ku dhaafay ilaalinta shuruucda qaran ee u yaala iyo in qofkastaaba uu danta guud ka hor mariyo dantisa  gaarka ah oo loowada adeego (common interest)  danta guud.
Waxaa nasiib darro ah in golihii wakiilada ee shacabka metaalayey oo shacabku soo doortay ay maalin kasta is haystaan, oo ay garan waayaan dantii  loo soo doortay iyo macnahay meesha u joogaan arinkooduna noqday mooshin ka macaash, waxaa taas ka sii daran golihii fulinta ee danta qaranka u adeegaayey oo shaqadii qaranka kaga mashquulay kala jebinta iyo muran ka dhex dhalinta golaha wakiilada, Waxaase taariikhda baal madow ka galay xildhibaankii danihii umadu usoo dooratay ka doorta oo kaga mashquula danno gaar ah oo weliba doonaaya inuu mar labaad isa-soo taago.
Khilaafkan siyaasiga ah ee saddex geesoodka ahi wuxuu carqaladaynayaa habsami u socodka wadadii doorasho lagu qaban lahaa, wuxuu dhaawacayaa geedi socodka dimuqraadiyada iyo xuquuqda shacabka, wuxuu ragaadinayaa hawlaha qaranka.
MALA'AWAAL: Hadii lagu guulaysan waayo  doorashada golaha wakiilada iyo madaxweynuhu inay dhacdo 2015, maxaa dhici kara?  waxaa macquul ah in dalalka taageeraa ( steering commitee countries) oo bixiyaa lacagta doorashada inay ka leexdaan dalka, waxaa macquul ah inay xooga saaraan Dawlada Somaliya oo doorashadeedu dhacayso 2016 taasina ay noqon doonto Eed iyo gef laga galay qarankan, ay weji gabax ku noqon doonto shucuubta Somaliland. waxaa dhacaysa in dimuqraadiyadii dalkani ku faani jirey ee lagu yaqaanay inay si yar dalluun dheer ugu dhacdo , dhinacyo kalena si hawl yar ku helaan, waxaa dhici karta in deeqda dalkani la siiyo inay hak'ad gasho, in uu xumaado xidhiidhka beesha caalamku la leeyahay iyadoo aynaan weli aqoonsi ka helin caalamka kuna raad joognay aqoonsi in taasina ay hog aynu gacmeheena ku qodnay ay ku dhacdo.

si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maar maan ah in xubin kasta oo ka mid ah dawladu ay sharciga ilaalisho aanay isticmaalin wax awoodeeda dhaafsiisan isla markaan fara gelin laan kale oo la siman, , Hadii awooda si khaldan loo sicticmaalo ( mis use of power) waxaa hak'ad gelayaa shaqada qaranka, waxaa lumaysa cadaalada, waxaa lumaysa xuquuqdii shacabkan, waxaa arin ku noqonayaa MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH.

ka aqoonyahan ahaan waxaan leenahay golaha wakiilada oo aan siinaynaa taladii Xaaji  Adan Af-qalooc (AUN)
 '' Itifaaq la'aan laguma helo lib iyo iimaane,'' 
'' Ha ordinina ee xaajada sidii aydinta u raaca''
 '' Ha ekaaninee talo ninkii odhan kara u dhiibta ''


W/Q: Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
     Email: abdurizak4a@gmail.com
ref: http://meeqaamsarre.blogspot.com/

Saturday, October 25, 2014

HADII GUGII KUU KORDHAA GABOW MOOYEE KU TARIN GARAAD IYO WAAYO ARAG OGOW MA GUDBAAD TAHEE


Ka dib bur burkii dawladii dhexe ee Somaaliyeed, waxaa dalku galay xaalad dagaal,gaajo, qax, saboolnimo, dawlad la'aan, tahriib, budhcad badeed, kursi ku hirdan iyo khilaaf siyaasaded oo baahsan. is qab qabsiga Madadaxwaynaha iyo raysal wasaarayasha soomaliyeed waxay noqotay Caado soo jireen ah, waxay noqotay nidaam aan laga horumarin lagana waynaan oo soo noq noqday muddo badan aadna moodo inay dastuurka ku taalo (HADII GUGII KUU KORDHAA GABOW MOOYEE KU TARIN GARAAD IYO WAAYO ARAG OGOW MA GUDBAAD TAHEE!).
Waxaa in badan  soo socday khilaafkan siyaasiga ah ee u dhexeeyey Raysal wasaaraha iyo Madaxwaynaha Taas oo soo bilaabantay ka dib markii mudane xasan sheekh maxamuud u magcaabay raysal wasaaraha lana ansixiyey isagoo ka waayey wixii uu ka sugaayey oo ahayd inuu daayo koox la xulafo ahayd madax-weynaha oo ka tirsanaa xukuumadii Raysal wasaare Saacid ee daadku qaaday. Gor-gortan iyo muran daba dheeraaday oo sababay inay dhaafto wakhtigii loo mudeeyey in lasoo magcaabo golaha wasiirada dabadeed waxaa raysal wasaruhu u ogaaladay inuu daayo cabdikariim Xuseen guuleed oo ahaa raga ay aadka isugu dhowyihiin madaxweynaha aakhirkiina isku casilay gol-daloolooyin badan oo kasoo baxay shaqadiisii, xarumihii dawlada oo la weerarey ilaa xaruntii baarlamaanka ay Al-shabaab gashay. taasi waxay weji gabax ku keentay Madaxweyne Xasan isagoo awoodii uu kulahaa Golaha wasiiraduna (Cabinet) ay wiiqantay, waxaa awooda madaxweynuhu ay soo yare noqotay markii Taliyaha nabad sugida loo magcaabay Cabdillaahi Maxamed cali sanbalooshe oo ay aad isugu dhowaayeen madaxweyne Xasan sheikh, hase ahaatee dhar baaxo labaad ayaa ku dhcday markii isagoo mudo 21 beri ku siman xilkii laga qaaday lagana xayuubiyey.
Waxaa soo baxday in laysu awood dhiganaayo, waxaana aanu shaki saarnayn in raysal wasaaruhu uu ciyaarayo dagaal maskixiyan ah oo ku dhisan siyaasad oo ku wiiqaayo awooda golaha wasirada uu ku leeyahay Madax-weynuhu, Halka Madaxweynu uu isla soo taagayo nidaam khilaaf iyo muran ku dhisan oo ku raadinayo in gacan saddexaad meesha timaad oo dhex dhexaad ah taasna ay u suurageliso kor uqaadista awooda uu kuyeelanayo golaha wasiirada. ka dib markii shalay raysal wasaaruhu uu dharbaaxada kulul ku dhuftay madaxweynaha iyo kooxdiisiiba uuna wasaarada Cadaalada iyo dastuurka kaga wareejiyey Wasiir Faarax oo ah xulafada Madaxweynaha , Maadama Wasaaradu tahay wasaarad Saami ku leh nidaam ka hada jira oo uu dastuurkii kaabis badan u baahanyahay, waaxyaha cadaaladuna dhisid u baahanyihin,  waxaa soo ifbaxaaya inuu bilaabmay dagaal siyaasi ah iyo khilaaf hor leh kaas oo ragaadin kara horu socodka dhamaan waaxyaha dawlada, iyadoo uu gebi ahaanba madaxweynuhu kasaaray isku shaandhayntaas meesha, kuna tilmaamay mid sharciga baal marsan, waxaan meesha ka madhnayn oo soo if baxaysa in loolan xoogan bilaabmay oo ku siman ilaa 2016, dhinacba dhinaca kale ku dedaalayo inuu meesha ka saaro imana karto in garabka Madaxweynu gebi ahaanba is casilaan. waxaa iska cad in beesha caalamku ay kasoo taagan tahay Xasan sheekh isla markaana raysal wasaaruhu uu halkaa jaanis ka haysto.  lama yaqaano meel uu sal dhigan khilaafkani kase hor dhici mayno oo ciyaarta banaankaynu ka daawanaynaa!

w/Q: Abdirisak M. Ali Cooraaf


Tuesday, October 21, 2014

MAALINTII KACAANKA IYO KA WAREEGISTII RAYIDNIMADA

21 October 1969 , Maalin Xusuus Mudan, Waa maalintii uu Dalka ka dhacay afgenbigii Ciidamada xoooga Somaliyeed, Taladan uu la wareegay General Maxamed siyaad barre (AUN), Waa shan maalmood dabadeed, maalintii dhiilada iyo oohinta wadatay ee 15 october 1969, Madaxweyne Abdirashid Ali sharmarke (AUN) dilka loogu haystay Laascaanood.
Waa Wakhti ay bilaabantay jawi wax wada qabsi iyo horumareed oo ku sinaa 8 sanno (1969-1977). Waa wakhti uu dalku uu ku talaabsaday guulo wejiyo badan dhinacyo badana taabanaya. Waa maalintii Kacaanku Samata bixiyey Geyiga Somaliyeed
Ayax bililiqaa nagu dagoo diirtay beledkeenna,
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene,
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaacaynay,
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixayney,
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beerayney,
Allow yaa dabaadiga hariyo degelka noo caynsha,
Dib wax ugama sheegeen askeri daa'in abidkeeye,
Allow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda,
Allow yaa dagaallada ahliga dib uga waantooba,
Allow yaa mar kale daawada deris walaaloobay,
Allow yaa dalkoo nabadgelyaa diinta ku hoggaansha,
Allow yaa dersiga muqadiska ah dib ugu soo laabta ,
Allow yaa difaaciyo amniga dhidibadu u duuga,
Allow yaa daroogiyo qabiil inaga daaweeya,
Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda
Abshir Bacadle