Sunday, November 30, 2014

MAANSO: DALANBAABI

Iyadoo aan gabay layga baran inta badan laakiin aan wakhti yar akhriyo dibna u milicsado suugaanta soomaaliyeed ; gabayada iyo maansooyinkii hugaamiyayaasha soomaliyed ee xaga dhaqanka, fanka iyo fasaaxada ayaan anigoo tijaabinaaya daaqadayda iyo in aan tirin karo wax isla markaana aan maanso kooban oo jacbur ah oo wax kaga tilmaami karo xaalka aduunyada maanta aynu joogno ayaan maanso yar tiriyey oo aan ugu magac daray ''Dalan baabi''. Waxyaabaha ugu sax-saxan ama ugu kakan ee bini'aadamka dadka wax loogu gudbiyo ama loogu sheego ama wax lagu tilmaamo xisaabtaa ka mid ah laakiin dhaqanka Soomaaliyeed waa Suugaanta oo Booskaa degan!
Afeef: Abwaanadu ha Iga Raali ahaadaan waayo abwaan ma ihi ee waa tijaabo hal abuurnimadayda
            RAGA GABAYGA CIIL BAA BAREE CIDI MAKUU SHEEGTAY!

waxay Oranaysaa Sidan:

Duniyeey la yaab-badan leey
Daalinka u adeegtaay
sheekha deedafeeyaay
Dira-dira la jaaraay
Damacna hirgelisaay
Dibin daabyo ruux wada
Dabinkuu la rabay ruux
Godka ugu hagaajaay
Dulmi daba ka riix iyo
Digashada dad daacad ah
Waa duni deleganoo
xumaantii danbarisoo
Samihiina dacarsaday
Dadku wada basaas iyo
Dilaal xaasid wada noqoy

Haddaan daacad lagu noqon
Dira diraha laga bixin
Danta Guud la wada toyan
Day daynimo la dheerayn
Dadku inuu mid uun yahay
Rabi derejo wada simay
Karaamada u door biday
la ogaanin doodaa
Dadku inuu sinaado
Nabadu ay Danbarisoo
Dawladnimo la saanyado
Waa cudud deleganoo
dayaxaan ifayn iyo
waa daruuroo madhanoo
Dalanbaabi badan yahay!
Sidaa maw Dareenteen?


                 Waxaa curiyey: Abdirisak Mohamed Ali



DUNI SALCAANTAY!


Waa Duni Afmiishaarnimadii Badatay oo caalimnimadii yaraatay, Waa duni dadku u qaybsamay, Af ku macaash, faji ku macaash, weji ku macaash, gadh ku macaash, been ka macaash, waa duni beentii ay faan noqotay oo runtii ka dheeraysay, runtiina gaabis gashay, simihiina xishood galay, xumihiina banaanka yimi.
Waxaan ku Noolnahay duni saaxibul caqliga ka dheeraatay, caqli laawaha magansatay lana saaxiibtay, waxaan joognaa duni maan-gaabka iyo dadkaan ehalka u ahyni ay taliyaan, garaad u saaxibkana fogaysay iyo dadkii talada u ehelka ahaa, waxaan joognaa duni dadku markay ku hortaaganyihiin hadalkaagu u macaanyahan markay kaa sii jeestaana dacarta uga qadhaadhaado oo dhalan rogis iyo buun buunin badan (Gossip and Backbiting), Waxaan joognaa duni ka tagtay keliya in la ilaaliyo xayaawanka yar ee sii dabar go'aaya laakin gaadhay heer ah in la ilaaliyo bini'aadamka qayb ka mid ah inay dabar go'aan ( Caadilka, Run-Yaqaankii, Alle Yaqaankii, Daacadii iyo Wadanigii), waxaan la deris nahay duni toban shaadh/weji shay kasta loo yeelay oo ka tagtay hal weji, Waxaan joognaa Duni maslaxadii, wanaagii iyo samihii ay bedelkeeda noqdeen kala-geyn, xumaan, xasad iyo xumaan, waxaan joognaa duni afsaarkii loo bedelay daba-saar, daba-saarkiina afsaar, waa duni salcaansan!
Waxyaabahaas oo dhan oo ah qaar xaqiiqa ah qofkastana u muuqata haduu u fiirsado, lagana yaabo qofkastaaba inu hal meel uun kaga jiro oo kasoo gelaayo iyadoo lakala badsanaayo ayaad markaad deristo waxaad is oranaysaa Qaarkood waa Ashraadihii Saacada Qiyaame ee NNKH inoo sheegay, Waayo Nebigeena SSCW wuxuu yidhi '' Haddii aad aragtid xukunka iyo talada oo loo dhiibo dadkaan u ehelka ahayn ( Beenaalaha, Khaayinka, Tuuga iyo Afmiishaarka) Sug saacada qiyaame.
Waana wax maalin ba maalinta ka danbaysa isasoo taraysa oo qofkaad hadda ka tagtay saacad ka bacdi aanu ahayn sidiisii, oo xaakinkii hadda wax xukumay intaanay geedkaa gaadhin dhinaca kale u xukumay isagoo dheefka raadinaaya, isagoo qofkii amaanadii loo dhiibtay si muuqata iyo si leexsanba u dayacaaya dushana wanaag badane ka ah. Waxaa marakale NNKH uu yiri ( Waxaa umadan marka ugu horaysa gacmohooda laga saarayaa waa Amaanada, salaaduna way ugu danbayn).


Illaahay xaqa ha ina garansiiyo Tawfiiqdana ha ina waafajiyo
                     Amen

Thursday, November 27, 2014

GARAADSO INTAADAN GUURSAN

GARAADSO INTAADAN GUURSAN

Markaad aragto weedhahaas aan ciwaanka uga dhigay qormadan kooban waxaa markiiba kuu muuqanaaya oo maskaxdaada kusoo dhacaysa inaan ka hadlaayo oo usocdo guur iyo da'a, laakiin arinku taas wuu ka duwan yahay oo waa ujeedo badanleey dhinacyo ka gedisan kaas wax u iftiimin doonta kuna jaan gooyn doonta ciwaanka qormada!
Aduunkan aynu ku noolnahay waa laysi soo gumaystay, dalalbadan baa wax gumaystay kuwana waa la gumaystay haba u ba'naatee qaarada Afrika oo lagu qaybsaday shirkii Barlin 1884 (Africa Partition). Haddaba inkastoo uu gumaysigu uu dhib badan yahay lagana faaidaysanaayo muruqaaga iyo khayraadka ku gedaaman deegaankaaga dulmi iyo xaqiraadna aad kaga noolaanaysid wuxuu ahaa cashar aad u macaan oo dadka sida wanaagsan ay ka qaateen macnaha, dhadhanka iyo macaanida xoriyadu leedahay, waxay ahayd tababar wanaagsan oo ay dalalka Afrika soo qaateen xiligii gumaystaha aadna moodayso hadaad yare fekerto Malaha hadaan wakhtigaas dalalka Afrikaan ka ah la gumaysan maanta lama heleen dal Afrikaan ah oo hanaqaada oo waxaa aafayn lahayd is-qabqabsi, maamul jacayl iyo nidaam la'aan.
Iyadoo ay saas tahay Somalia waxay ka mid ahayd dalalkii lasoo gumaystay muddo ku siman Toddobaatan iyo lix sanno (76) la gumaysaanaayey, soo dhadhamisay dhibaatada gumaysiga, kasoo cabtay ceelka cabudhinta iyo xoriyad ka qaadista gumaystaha, kana soo qaadatay casharo ku filan haddii sidoodii loo dabakhi lahaa. Waxaase nasiib darro ah maanta oo laga joogo wakhtigaas Afar iyo konton Sano (54) iyo muddadii xoriyada dib loo hantayba ee gumaystuhu uu gebi ahaanba ka huleelay geyiga Soomaalida in ay la deris ahayd is qabqabsi, maamul xumo, sed bursi, Inqilaab, qabyaalad, maamulo reeraysan, qax, carar, dagaal sukeeyo iyo dhibaatooyin badan oo la mid ah iyo kuwo kasii daran ba. markaad dib u jaleecdid cahdiguu gumaystaha iyo ka gil gilashadii Somaliyeed iyo markaad waxyaabaha xoriyad dabadeed dhacay aad isu miisaantid waxaa kuu muuqanaaya kaaf iyo kala dheeri, waxaad moodaysaa in dalkan gumayastuhu awrtiisa ka rartay iyagoo aanay dadkani u bislaan dawladnimo, waxaad moodaysaa in dalkani aanu helin muwaadin iyo hugaamiye sax ah ee loo baahnaa haddii la helayna aan wakhti la siin ama lataliyaashu ka xumaadeen, waxaa kuu muuqanaysa in dadka Somaliyeed oo jibo xukun iyo maamul ku jirto markaana indhaha kala qaaday faraha laga geliyey xoriyadii.
Waxaase wax laga xumaado ah in weli uu dadkii iyo dalkii Somaaliyeed uu haysto jaahwareer siyaasadeed oo ay sababtay qabyaalad, qof jeclaysi, xukun jacayl iyo eex, waxa taas raacda in maanta  dalka Soomaliyeed ku jiro xoriyad 54 sano jirsatey in ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye iyo gacmo sagaalaad oo wada dan gaar ah doona iyo maanta dalkan looga baqo inuu dib ugu noqdo gumaysi oo gacanta uga galo Afrikaanka kale iyo xulufooyin Reer galbeed ah. Waxaan is waydiinayaa Somaliya goormay iska afuufi doonta Qabyaalada, qof jecelaysiga iyo sed burisga eexda ku dhisan , Goormay Qaangaadhi doonaan Somalidu oo ay ka gil gilan doonaan tuurina doonaan koodhan qoyan ee ay sitaan hurdadana ka kici doonaan si sax ah u fekeri Doonaan!
Muddo badan oo lagu soo jirey dagaal sokeeye, qax, carar iyo dhibaato ka dib, waxaa nasiib daradii ugu waynayd ah in markii dib loo dhisay dawlad aan ku meel gaadh ahayn iyadoo aan weliba gacan shisheeya ka madax banaanayn in ay is haystaan madaxdii dalka ugu saraysay iyadoo ay sal iyo gun dhig u tahay khilaafkooda danno gaar ah iyo qof jecelysi  ayna taas la jaar tahay ku dhaqmi la'aan xeerarkii, sharcigii iyo dastuurkii Somali ku heshiisay iyadoo ay ku ladhan tahay oo aan maanta la helin qof la oran karo waa muwaadin Soomaali bad baadin kara kii loo filona meesha awood lacageed iyo xeelado kale lagag saaraayo meesha.

Waxaan kusoo afmeerayaa Somalidu weli ma bisla iyadoo gumaysi iyo dhibaatooyin badan soo martay welina uma diyaarsana sixitaanka khaladaadkeeda meeshana kama saarayso eexda, qof jeclaysiga iyo Qabyaalada. Somaliya Waxaa loo guuriyey iyadoo aan garaad san oo aan qaadhin, shaadhka xoriyada loogu tolay taash 1960 waa halkii Hurre walan wale '' Macalinkii ku geda baray baa isagoo aaun kuu gal-gaal bixin gudcur kaaga tegey Dam'ah''.



W/Q: Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
Email: abdurizak4a@gmail.com 

Saturday, November 15, 2014

HAMI WAALID IYO HUMAAGA NOLOSHA

Guuleed Waa barwaaqo ku kor, aabihiis baa u xamaala dedaal iyo juhdi badan uu bixiyey dabadeed wuxuu guulo wayn ka gaadhay xaga ganacsiga. Guuleed ma oga xaal aduun meel uu maraayo, maalin muu fekerin xataa ged gedoonka hadhka ee labada gelin, hoosiiska iyo bacadka muu qiimayn, nolosha qalafsan ee ay ku nool yihiin dadka  ku xeerani kama fekerin , waxbrashada kuma wanaagsana, xafidaadiisu way liidata inuu dedaalona iska ba daa, Buugaagta wuu sii qaada dibna umakala furo, waa asxaab badane ku baasa imtixaanada khish, khiyaamo iyo taageero uu ka helo asxaabtiisa uu shaaha u shubo maadaama uu ka jeeb roonyahay xoogaa duubana xaga xaafada looga soo dhiibo si uu wakhtiga nasashada ugu nusasaaceeyo.
Waa nin da'ahaan u dhalinyar wuxuu madaxa la galay da'ada 18ka, caqli ahaan wuu korayaa haddii u ku fikiraayo, xoog ahaan waa wakhtigii ugu wanaagsanaa wuuna u caafimaad qabaa, wakhtigii dahabka ( Golden Time الوقت الذهبي) buu ku jiraa, waa wakhtigii wax soosaarka, waa markii loobaahnaa ka faaidaynta maskaxda iyo muruqiisa, waa wakhti inbadan ay ka dhursugayeen waalidkiis ku hamiyeena inbadan gaadhsitiisa iyagoo rajo wayn ku qaba inuu isbedel la yimaado, ka caawiyo noloshooda wax badan maadama ay wakhti adag ay usoo dhabar adaygeen kuna guulaysteen inay beer u salaax kusoo koriyaan aakhirkii, waa wakhti aabihii usoo ababinaayey inuu la wareego ganacsigan maamulkiisa horumar iyo horusocodna uu ku sameeyo iyo mid hanaqaad ah.
Guuleed wadi kari waa waxbarashadii wuxuu godolo iyo maalmo ka jaakidho oo hadba gidaar sii yara fadhiisto oo ka sheekeeyo inta ay rawaxaada gaadhayso iyo wuxuu godolo nusasaaca ah iska soo baxo si uu kaabadihii uga sheekeeyoba aakhirkii wuu ka saaqiday wuxuuna la jaar noqday boqolaal balwada ( Qaad iyo Sigaar ) la saaxiib ah, qaarkood waxay ka saaqideen sida Guuleed wax-dhigashadii halka qaarna aanay uba bilaabnayn Alif wax maleh duruuf dhaqaale awgeed!.
Rajo badan laga suge wuxuu noqday reer looge, waxaa bilaabantay fashilaadisii ku aadanayn waayaha nolosha, waxaa dhabawday ka dhoohnaantiisii ged-gedoonka nolosha iy geedi socodka mustaqbalka, waxaa banaanka usoo baxday raja xumada waalidka iyo hankii ku aadanaa oo fashilmay. Waa halkii Maah-maahdii Somaalida ee '' Nimaad dhashay kuma dhaline'' maba dareensana taaha, xanuunka iyo kurbada ka haysa waalidkiis iyo riyooyinka badan ee u umuuqata inay fashilmeen,  misana waalidkii kamay hadhin oo kamay samrin Guuleed, ''Nin wax dhalay Dhoohane''  waxaa la siiyey jaanis uu isku toosiyo, nolosha uu kula qabsado uu dhanka wanaagsan ugu fekero.
Hase-ahaatee waayuhu isagaa wax kuu kordhiya, noloshaa casharo ku barta, Bii'adaa kuu gal-gaal bixisa waxbadan oo kaa daahnaa, saaxiibka wanaagsan baa kuu iftiimaya mad-madow badan oo kaaga jirey waaqiciga, waayeelkaa talo ku siiya, hadaad dib u eegtid wixii hore cashar baa kugu sugnaada, halka wakhti siinta ka fekerka mustaqbalka iyo waxa soo socdaa qaabkooduna ay hogag iyo hagar-daamooyin kaa badbaadiyaan, haddii intaas cakiskeed aad la deristahayna Habeen madow baad kusocotaa! Hase-ahaate intaasiba isbedel kumay samayn nolosha guuleed, kumay garab gelin inuu kasoo noqdo albaabka madow ee uu galay,  kana fekero waayaha isla markaana la jaanqaado nolosha. isku day badan oo sixitaan ah  iyo talooyin badan oo waalidkiisu siiyeen umay bixin, is bar bardhig ku sameeye waayahii madoobaa ee dedaalka lagaga soo baxay ay soomareen iyo ta uu maanta ku jiro kuna soo koray hase-ahaatee waxbadan kamuu fahmin ged-gedoonkaa aduunyo in dedaal iyo samir lagaga baxo aakhirkiina dayraa lagu qoray! Wakhtigii la dayriyey ama debeda loo eryey dabadeed noloshiiba isbedel waayo adag iyo xaalad qalafsan ayuu la kulmay, waa jawi iyo nolol nin barwaaqo ku kor ahi aanu la jaanqaadi karin inta badan hadii uu la jaanqaadona ay wakhti dheer ku qaadato lasoo qabsashadiisu . 
Guuleed waxaa cashar u noqotay noloshan adag ee kacaankufka iyo dhibta ku dhisan, wuxuu is bar-bardhig ku sameeyey Maalmo aan aad u fogayn noloshiisu siday ahayd iyo xaalada uu maanta ku jiro, wuxuu arkay asxaab ay shaaha kuwada cabi jireen skoolka oo duruufo adagi ku xeernaan jirtey laakin laasimay wax-dhigashadooda oo meel fog ka xoqanaaaya, wuxuu arkay qaarkood oo ganacsigii aabihii ka shaqaynaaya oo ka ariminaaya guulo la taaban karona gaadhsiiyey. Aduunyadu isbedel badanaa, waa hadhkaa labadiisa gelin, maalin ba dhinac bay iska kaa tustaa, waa fariimo badaneey waa kugu hoq iyo ciil hadii aad ka dhacdo. Nin rag ahi waa ka mar uun isa soo qabtee, wuxuu mar keliya kasoo baxay balwadii iyo wixii ku xeernaa wuxuu qaatay cashar ay noloshu khasab ku bartay laakin uu feker kaga gudbay wuxuu ogaaday wadaduu maraayey in mad-madow badani ku xeernaayeen isla markaana uu la mid ahaa indhoole habeen gudaaya!
Go'aan qaadashadaa wanaagsan  ee Guuleed waxay ahayd rajo aad uwanagsan iyo yididiilo ay qabeen waalidkii dhalay , waxay ahayd maalin aad ay uga dhur sugaayeen kuna kalsoonaayeen inu kasoo noqon doona wadadaas khaldan isla markaana uu tubta toosan qabsan doono, waalidkiisu marna ismay dhiibin rajadana may dhigin aakhirkiina riyadii baa rumoobday!
Guuleed  wuxuu haystaa casharo ay noloshii adkayd soo bartay ee muddada gaabnayd, Hada kadib wuxuu leeyahay hiigsi nololeed, ka fikir mustaqbalka iyo qiimaynta waxa soo socda iyo talaaba kasta waxaa ka dhalan kara. Inkastoo uu muddo hore waxbrashadii ka saaqiday wuxuu misana nidaamiyey shirkadii isagoo ka faidaysanaya aqoonta dadka kuu xeeran ee ka shaqeeya wuxuuna soo hooyay guullo la taaban karo iyo macaash aad u wngsan, Waxay ahayd war labaad oo farxad leh waalidkiis maqlo kalsoonina lagaga qaatay Guuleed loogana hadhay maamulka iyo maaraynta reerka guud ahaaneed.
Haddaba, Inaad mar gaadhiga ka dhacdaa maaha ceeb waxaase ceeb ah in aad liid noqoto isla markaana aadan ka kicin dhulka oo iska jiiftid ilaa abid, Khaladkasta aad gashaa waa kuu cashar kaa caawin doona dhibaatooyinka soo socda ee ha umalayn inaad fashilantay marlabaadna aadan kici karayn.



Wabilaahi tawfiiq




Tuesday, November 11, 2014

DHALAN ROGISTA DHAQANKA IYO U DABQAADISTA DHAQANO KALE

Haddii jahli laga tashaday            Aqoontana lagu tartamay
Sidee bay teeni weli                      Halkeedii u taagantahay
                   Abwaan Abdirashid M. Warsame


Dunidan aynu ku noolnahay waxaa laysu soo gumaystay shakhsi shakhsi, waxaa la adoonsaday dad, waa laga soo gudbay casrigaas oo waxaa timi in dal ahaan laysu gumaysto lagana faaidaysanayo muruqa iyo khayraadka dalalkaa lagumaystay. Hadaba maalinba waa maline hadda ayuu jiraa gumaysigii ugu xumaa ee abid soo maraa caalamka.
Banii'aadamka in dal ahaan ama muruq ahaan loo gumaystaa wax saas usii fog may ahayn, waxay ahayd gumaysi uu la gumaystuhu uu jaanis uu heeryada tuuro uu la sugaayey gumaystaha wakhtigay doonto ha qaadatee, waxay ahayd xaalad uu dareensanaa nafluhu inuu ku jiro xaalad kudul noolaanshiiyo, xorriyad la'aan, ka faaidaysi khayraadka dalkiisa hooyo iyo ka qatanaantiisa. 
Wax ka xun ma jirto umadda in caqliga laga gumaysto waana tan maanta caalamka ka jirta in layska gumaysto fikirka iyo caqliga, waa xalad gumaysi oo aanu dareensanayn qofku inuu gumaysi ku jiro, waa xaalad uu qofku iib geynaayo caado iyo dhaqan aanu lahayn, waa amin uu qofku ku nool yahay nolol aaminsiisay ku dayasho mooyee (Imitation)  inaanu mid ikhtiraacan karin kuna dhaqmi karin. 
Astaanta ahaan,  umadda fikirka ka gumaysan waxaa lagu gartaa, waa umad aan garan karin qofka ay doonayso inay soo saarto nooca uu noqon doono, waa umad aan caqaa'ideeda iyo waxay aaminsantahay aan ku jaangoyn karin qofka ay soo saarayso, waa umad habayaraatee aanay ku abuurnayn fikir ah inay wax ay gaar u leeyihiin lasoo baxaan kuna dhaqmaan, Waa umad kasoo dhoweeysata afkeeda, dhaqankeeda, hideheeda mid aanay iyadu lahayn, waa umad aan marnaba dareensanayn heeryada fikir dhaqan gumaysi ee saaran kor keeda!
Hadaba markii afrika ay tuurtay heeryadii gunaysiga muruqa, waxaa reer galbeedku inay bilaabeen inay caqliga iyo fekerka ka gumaystaan, waxaa la maamulay oo lamarin habaabiyey barnaamijkooda waxbarasho iyadoo lagu jaangooyay qofka ay doonayaan '' Reer Galbeedku'' inuu soo baxo, waxa aad looga shaqeeyey in lasoo saaro qof xanbaarsan afkaarta reer galbeed, qof ay ka dhaadhacsan tahay adigu raac wadadaa dalalka horumaray waxba ma soo saari kartide, waxaa lasoo saaray qof aan ka dhisnayn mabaadida iyo caqaa'ida uu asal ahaan aaminsan yahay ayna kala toosantahay ta reer galbeedku, waxaa ay ku guulaysteen inay hantaan caqliga iyo fekerka ninka Afrikaan-ka oo noqdo qof aaminsan in aanu horumar samayn karin.
Arar dabadeed, Waxaad Inyar dib u eegtaa hanaanka waxbarasho ee Soomaalida ee ay dejisay UNICEF, Hadaad dhab ugu fiirsato waa hanaan aad u liita aan soo saari karin qof ka dhisan hal maado '' iska dhaaf inuu waxaba koobsadee'', waa barnaamij loogu tala galay in lagu majara habaabiyo nidaamka aqoonta dalka si aan loo helin qof aqoon leh oo dhisan, waa nidaam la dhalan rogay laguna saleeyey caqli laga dhaadhiciyey dadkeena oo ah in qofka Afrikaanka ahi aanu 50 saacadood xataa wiigii wax baran karin isla markaana uu ka adag yahay in yaroo xisaab ah iyo in yar oo oo Saynis iyo Ingiriisi ah, Waa nidaam aanay suura gal ahayn in marnaba la helo qof saynisyahan ah, xisaabta ku xeeldheer ama luqada ajnabi ah wax ka yaqaan, waa nidaam kaa dheeraynaya dhaqankaagii iyo caqaa'idii aad lahayd mid kalena aadan ku gaadhayn ku dayasho mooyee, waa nidaam ku dhisan uga danbayn waxkasta dejiyayaasha hanaankaaga waxbarasho. Dhinac kale aan yare iftiimino, wixii ka horeeyey 2002dii waxaa Dugsiyada hoose/dhexe oo ah halka ardaygu kasoo dhismo lagu dhiganaayey hanaan waxbarasho oo ka tayo badnaa ka maanta lagu dhigto inkasto aanay ka maqnayn kaas laftiisa gacan kale oo ay dejisay UNISCO, ardayga soo baxaa wakhtigaas aad buu uga tayo badnaa ka maanta manhajkan wax ku dhiganaaya, waxa kale oo raacda ka dib dhalan rogii hanaan waxbarashada ee UNICEF waxay aad uga shaqeeyeen inay meesha ka saaraan luqada carabida iyo Maaddada Diinta oo lagu barto skoolada, waxay ugu talagaleen macalinka xisaabta, Ingiriisada iyo Sayniska inay siiyaan mushahar ah $100 halka habayaraatee aan qorshaha lagu darin macalinka Carabida iyo Diinta, taasina ay kuu cadaynayso dagaalka cad ee hay'adaha u adeega reer galbedka dhaqankoodu inaku hayaan iyo ogaansha la'aanta inaka saaraan gumaysiga xaga maskaxda ah iyo inagoo aan dareemin weli inay hay'adahani ay iibgaynayaan dhaqan xun kuna dedaalayaan inay meesha kasaaraan caqaaideena iyo Islaamnimadeena intay karaan!
Ma soo saari karno mana heli karno qof ka aynu doonayno ee u dhisan Diin ahaan, caqiido ah, isla markaana aqoon xeel dheer u leh maadiga oo ah saynis yahan, dhaqaale yahan, mid ku xeel dheer xisaabta ilaa aan la nimaadno nidaam waxbarasho oo ka madax banaan gacan kale laguna saleeyo qofka aynu doonayno nooca uu noqonaayo.


W/Q:            Abdirisak Mohamed Ali
 Email:        abdurizak4a@gmail.com


Tuesday, November 4, 2014

MAAKHIR UNIVERSITY WAA ASTAANTA HORUMARKA DEEGAANKA

Qofku wuxuu uga baahi badan yahay inuu Jidhka kale ka koro In caqligiisu Koro. Caqligana Cilmi iyo aqoon baa korisa, Taasna Horumar lagu gaadhaa iyo Barwaaqo! '' Miyay simanyihiin nin cilmi leh iyo jaahil aan Aqoon lahayni? Haba-sheegin''
Jaamacada Maakhir Waxay noqon doontaa Furaha horumarka dadka iyo deegaanka, Waxay noqon Doontaa meel u saaxib ah aqoon laguna soo hirto, waxay noqon doontaa meel dad aqoontu hugaamiso soo saarta waxbadana bedeli doonta Insha'Allah!

Monday, November 3, 2014

MUWAAFAQADU WAA FURAHA GUUSHA

Maqal waxaan ku haystaa isku duubnaantiyo wada jirku inay tahay haybad iyo sharaf markasta guuli ku ladhantahay, diinteena suubana ina farayso, odaayaal da'a wayna oo  waxgarad ahn waxay ihoga tusaalayeen iyagoo madhax iga tegaaaya isku duubni waxay tahay, Waxay ii tilmaameen faqiiqnaanta iyo gooni maridu raja xumaday leedahay. Waayeel isagoo anigiyo inamdiisa Somaliyedba tilmaamaaya waa tuu lahaa '' Aabo soo qaado  ninkastow Ul, kala jebi markaas, Waanu kala jebinay, wuxuu mar labaad noo diray ulo, ninkastow isku xidh oo kala jebi buu na yiri, Haba sheegin, waayeel dardaarankiisii wuxuu noqday hadaad sida ulahaas tafaraaruqdaan oo kala tagtaan mid mid baa laydin kala jebin, hadii aad isku duubnaataana Weligiin laydin loodin maayo''. Tallaadaas waxaa moodaa in aanay Soomali qaadan, dardaarankaas ay ku geftay, uu yahay dhaxal lumay, waxadse moodaa inay fahmeen oo ay qaateen reer galbeedku, saldhigna ay ka dhigteen ku dhaqmida taladaas, waxaad eegta Europe waxay ka kooban tahay 50 dal waxay ka doorbideen inay kala tafaraaruqaan inay samaysteen urur mideeya oo ay isugu yimaadaan, waxaad u fiirsata qolyahan reer galbeedka ee isku sheega quwada caalamka ee NATO waa shan dal oo is baahaysatay markay ogaadeen in dalna keligiis inaanu caalamkan saamayn ku yeelan karin.
In laysu kuu duubnaada, la mideeyo talada, looga danbeeyo ehelkeeda waa waxyaabaha umaddi ay ku horomari karto, waa waxyaabaha dhisa dadka iyo dalkaba. tafaraaruqa iyo kala tagsanaantuba waa albaabka bur burka, dib udhaca, ragaadinta horumarka, iyo fadhiidnimada dalka ku dhaca.
Soomaali guul ma gaadhi doonto mana gaadhayso inta loo talinaayo, inta ay kala tagsantahay oo ay feker qabali ah iyo dano shaqsiyeed adeegayaan, Somali horumar gaadhi mayso inta ay isku tashanayso, si kal iyo laab ah isu turxaan bixinayso iskuna duubnaanyso, Haddii kale Waraaba midba meel ku cunin!


IS-WAAFAJINTA SADDEXDA MAKALA- MAARANTO

Iswaafajinta Saddex-da Ma-Kala Maaranto:
 Waxaan Ku abtirsanaa Saddex Dawladood oo u baahan in lays waafajiyo,
1. Diinteena Sharfta badan ee Islaamka ah
2. Dhaqankeena Suuban ee 90% waafaqsan Diinteena Suuban
3. Xuduudahan ay inoo sameeyeen Mustacmaradii ina gumaysatay!
Haddaba Saddex-daasiba waxay leeyihin saddex-aqoonyahan, kuwaas oo midba dhinac ka leeyahay waxaa lagu xadgudabay ama laga tooreeyey Diintii Islaamka, Ama Dhaqankii ama waxaa lagu gefey jiritaankii Dalka!. Iyadoo ay ugu mudantahay in la raaco diinteena suuban ee aan khaladka lahayn, cidii raacdaana ay ifka iyo aakhiroba guulaysanayso in lays waafajiyo Diinteena Suuban, Afkeena iyo dhaqankeena hooyo iyo qaranamida iyo jiritaanka Dal ahaaneed iyadoo hadii lagu maamulo diintena islaamka aanay is diidayn ay horseedaysona guulo dhinacyo badan iyo horumar baaxadleh!
Inta aan lagu dhaqmayn diinteena iyo kitaabka dahiran ee Muqadiska ah ee Illaahay SW inagu  sharfay guul lagaadhi maayo, waxaa liidnimo kuugu inoogu filan inaan ku faani wayno sharaftaas Illaahay Sw ina siiyey ee ay u aradanyihiin dad badan oo caalamkan ku nooli maanta, aynu ku faano Dimuqraadiyad iyo dhaqan reer galbeed iyo Majuuso leedahay,  inta dhaqankeenii suubanaa ee inta badana dabakhaayey Diinta islaamaka lagu dhaqmaayo iyana lama horumaraayo, Waxaase liidnimo ah in aan raacno ama ku dayano dhaqano liita oo aynaan garanayn meel ay kasoo jeedaan, waxay salka ku hayaan iyo waxay ka turjumayaan.



Saturday, November 1, 2014

GOONI U FIIDHKA DHALINYARTA IYO XUURTAYSIGA TIMA- CADAHA




Dhalinyartu waa dhaxalka umaddi leedahay, waa ubucda dalku ka dhismo, waa xooga dalka gaadhsiiya horumar iyo barwaaqo, waa udub dhexaadka difaaca dalka , waa meesha awooda dalka laga dareemo. Hadaba Waxaynu joognaa Mandaqada ama Dal dhalintii la quudhsaday, lagu aamini waayey xil ama shaqo, lix-dan jir maroorsaday goobihii shaqada, dhalintii niyad jab, walbahaar ku dhacay, ay ka qanceen dalkii oo ay ku dhamaadeen saxaaraha libiya iyo badaha talyaaniga. Waxaynu joognaa Mandaqada '' Inankii ama Inantii dhalinyarta ahayd ee wax soo baratay loo sii naaxninaayo Waraabaha iyo yeyda joogta Saxaaraha libiya iyo Sudan, waxaan joognaa Dal dhalinyartii xuquuqdoodii la duudsiyey, Dal shaqadii ay ku koobantay madax cadayaal intii soo hadhayna la qabyaaladeeyey, dhalintiina ka masuugtay''.
Bal u fiirso waaqiciga maanta dalkan (J. Somaliland) ka jirta, Dadka shaqeeyaa 70% waxay ka wayn yihiin Konton (50) jir, Halka 25% ay ka waynyihiin Afartan (40) jir , 5% ee soo hadhayna ay ka yartahay shan-iyo soddon (35) jir, Halka Sanadkastana ay jaamacadaha kasoo qalinjebinayaan kumanaan dhalinyarro ah oo aqoonyahan ah, kuwaas oo dalka wax usoo baranaayey doonayana inay dalkooda uga faaiideeyaan waxay soo barteen kuna dabakhaan, iyagoo u heelan inay la yimaadaan fikiro cusub, dhiigna u shubaan meelaha Wasaaradaha dawlada iyo shaqooyinka kaleba.

Dalkani horumarkiisa iyo inuu la talaabsado caalamka waxay ku xidhan tahay dhalinyarta maskaxda furan ee aqoonyahanka ah in talada dalka wax laga siiyo, waxaa dalku uu ku dhismi karaa iyadoo dhalinyarta shaqooyinka loo dhiibo laguna aamino, Waayo dalkan nin da'adiise ka wayntahay konton (50) jir oo  haddii berito Faalig (Stroke) ku dhufto urursanayaa lacagtii diyaarada ee  lagula carari lahaa wuxuu u qabanayaa ma jirto, waxaa iyana mudan, nin reerkiisii iyo ciyaalkiisii qurbaha gaystay oo dalkan usoo shaqo tegeyna wuxuu u qabanayaa ma jirto iyo Danuu kaleeyahay wuxuu urursaddo maahee. 
Ka dhalinyar ahaan, ka aqoonyahan ahaan, Waxaan ku talinayaa Dalkani cuduudiisu waa dhalinyarta, waxa maanta aad ku joogtaan waa dhalinyarta ee talada dalka dhalinyarta wax halaga siiyo, Yaan laga hor marin oo mudnaanta la siin nin ciyaalkiisa debeda geystay oo lacag urursi u jooga dalka iyo Oday daryeelkiisii caafimaad urursanaaya, Dalkan waxaa leh una hadhaaya waa dhalinyar hadaan maanta lasii tababarin, lagusii ababin nidaamka dawliga ah iyo maamulka hadhoow wuu iska dumin. Haddii dalkani sidan kusii socdo, dhalinyartuna ay quursigaa kusii jrto ogaada waxaad dhaxal uga tagteen ma jirto dalkan iyo dadkan.


W/Q: Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
 Email: abdurizak4a@gmail.com
Click this Link: http://meeqaamsarre.blogspot.com/2014/11/gooni-u-fiidhka-dhalinyarta-iyo.html