Sunday, December 7, 2014

DEEQ SHISHEEYE RUN HA MOODIN!!

Nimank Reer galbeedka ahi waxay in muddo ah u olalaynayeen in layareeyo dhasha oo keliya labadii qof ee kastaa ay dhalaan labadii iyaga bedeli lahaa, kurastii ay Skoolka ku lahaayeen dhaxli lahaa.
Haddaba caqli laawayaal waa niman lunsan oo aan waxba xidhayne waxay yiraahdeen Saadaal baan Samaynayoo wakhti dhow waxaa kala badanaaya dadka aduunka ku nool iyo cuntada oo cuntadaa gabaabsi geli doonta, Iyagoo taas ka duulaaya ayay iswaydiiyeen oo haddii inaga oo dalalkii qaniga ahaa ah aynu keliya labadii ina bedeli lahaa dhalno xagay wax ka kordhayaan? jawaabtii baa waxay soo baxday waa qolyahan Islaamka ah iyo Afrikaankan Gaajadu la deriska tahay oo Xaafad kasta 10 joogaan! Haddaba Maxaa iyaga lagu yarayn karaa?
Iyagoo Taas ka Duulaaya oo Jawaab U raadinaya ayay waxay inoo keeneen wax la yiraahdo NASIYE iyo KALA_KORIYE!
Haddaba Weli ma iswaydiisay qoladan talyaaniga ah ee seminarkasta, luuq kasta, magaalo kasta, tuulo kasta iyo baadiyihiiba la taagan NASIYE IYO KALA_KORIYE ujeedka ka danbaysaa waxay tahay?
Reer galbeed iyo gaalo waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleen sidii ay diinteena si cad iyo si qarsoon ba ugu duuli lahaayeen waxase taas ka daran muslimka dhoohan ee aan ku baraarugsanayn makriga iyo dhibaatada reer galbeedka iyo kuwa iyaga ku dayashadooda ku daba lumay  oo deeq shishiye run moodaaya!
                 Waa Su'aal U baahan in si qotodheer loo eego

No comments:

Post a Comment