Sunday, March 22, 2015

: GORAYOOY GABAL KUUDHAC





Laba isku shaandhaynood oo uu madaxweynuhu ku sameeyey xukuumadisa oo ay u dhaxaysay muddo aad u yari waxay ahaayeen biya kama dhibcaan iyo ku hungoow Saami-siyaasadeedka Gobolka Sanaag, Waxay ahayd Isku shaandhayno aan la mahadin, ee laga korodhsaday in xukuumada maanta dalka haysa uu gabalkeedu ku dhacaayo siyaasad xumi iyo fashil ay ku fashilantay hugaanka dalka & u samaynta Barnaamij cad oo horumarineed Deegaankaas.

Waxaase  guud ahaan deegaankaas laga soo dhoweeyey , si wayna loogaga riyaaqay hanaankii  ugubka ahaa ee lagu doortay Hugaanka garabka dhalinyarta heer Qaran ee xisbiga Wadani. waxay ahayd madal lagu aaasaasay nidaamka wax wada lahanshaha cadaalada ku dhisan, waxay ahayd meeqaam sharafeed lagu aaminay Xisbiga wadani, islamarkaana xisbigu uu doonaayo inuu kusoo nooleeyo heshiiskii wada lahaanshaha Somaliland ee 1993 Borama ee beelaha Degaa dalku ku heshiiyeen. waxay ahayd goaan geesinimo leh oo uu xisbiga wadani ku muujinaayey talo wax kasiinta dhalinyarta aqoonyahanka ah hugaanka sare sare ee xisbiga iyo qorshayaashisa dalka haduu ku guulaysto doorashada .

Waxay ahayd tallaabo ku dayasho mudan oo aan dalka hore uga dhicin, soo jiidatay quluubta dhalinyarta Somaliland meel kasta
y joogaan, ku abuurtay Yidiidilo, rajo wanaagsan iyo in ay muuqato saadaal wanaagsan iyo in xisbiga wadani uu yahay mid damaanad qaadi kara waxay xaqa u leeyihiin dhalinyarta dalku. waxaan shaki ku jirin in ladayacay Dhalinyarta Somaliland Gebi ahaanba, isla markaana aanay helin doorkoodii hugaanka dalka, si cadaalad ku dhisana aan loogu qaybin shaqada iyo fursadaha kaleba. Iyadoo dayacadasi ay jirto ayaa dhalinyarta Sanag ay ka liitaan dhalinyarta Gobolada kale oo anay gebi ahaanba helin fursadaha shaqada, fursadaha deeqaha waxbrasho taasna ay ka danbayso hanaanka dhinaca ka raran ee ka fog cadaalada iyo ka maqnaanshaha si siman wax ugu qaybinta  dhalinyarta Somaliland.

Xisbiga Wadani wuxuu madashaas uu ku dhisay Hugaanka Garabka Dhalinyarta ee heer qaran ku kasbaday quluubta dhamaan dhalinyarta Somaliland oo ah xooga dalka, maskaxda iyo Muruqa dalka, Waxaana si gaar ah xisbigu u maalgashaday dadweynaha Sanaag , Kuwaas oo gudo iyo debedba si mug leh u taageeray Xisbiga.


Ka aqoonyahan iyo dhalinyar ahaanba waa talaabo aan usoo dhoweynayno, Islamarkaana nagu abuurtay yidiidiilo iyo inay jirto wado kale oo looga wareegi karo xukaamadan dayacday dhalinyarta iyo aqoonyahan Dalka guud ahaan , gaar ahaan Sanaag.


W/Q: Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf
Blog: Meeqaamsarre.blogspot.com
Email: abdurizak4a@gmail.com



Saturday, March 14, 2015

Barnaamijka Bandhig Hibeedka TV-Qaranku Waa Calaamad Halawsani iyo Halaag


Waa Astaan aad u weyn oo muujinaysa fashilkeena isla markaana soo dedejinaysa jabkeena, kana turjumaysa liicsanaanteena iyo ka fogaanshaha iyo xawaaraha wayn ee aan ka goynay wadada toosan, Dhaqanka Suuban, Diinteena xurmada, karaamada iyo sharafta Badan iyo wadada halaaga oo aad cagta saarnay.
Barnaamijka bandhig hibeedka dhalinyarta loogu magac daray ee laysugugu keenay boqolaalka kun ee Halbaha iyo Inamada isugu jira iyo Waayeel Fashilmayba. Waxaa wax aad looga xumaado ah in dadkii loobaahnaa inay hagaan dhalintan isla markaana toosiyaan iyo Meeshii laga hagi lahaa ee laga toosin lahaa, ee loo marin lahaa barnaamijyada wacyigelinta iyo ku toosinta dhalinta wadada toosan ee anfaca u leh aakhiraddooda iyo aduunkoodaba oo ah TV_ga QARANKA inta dhalintii laysugu keenay lagu yiri soo bandhig waxaad hibo u leedahay oo hees, oo isrux, Iyagoo aan hableheeni asturnayn. Taasi maaha mid diinteena suuban ogoshahay waa astaan muujinaysa xumaantii oo usoo baxday banaanka oo soo dhaaftay meelihii mad-madoobaa.
Waxaa illaahay SW ku yiri Quraanka Karimka ah '' Kuwa jecel inay xumaanta iyo Sinadu ku dhex faafto umada musliminta ah dhexdooda waxa usugnaaday cadaab darran'', miyaanay tani ahayn xumaantii, heesihii iyo fawaxishadii kale oo lagu faafinayo bulshada dhexdeeda, Miyaanay heesuhu ahayn xaaraam iyo wax aanay ogolayn shareecada Islaamku.
Hanaankan ah Tijaabi waxaad hibo u leedahay oo hees, waa dhinbiil dab ah oo laynakaga soo tuuray wadamo kale, kuwaas oo utaagan inay fidneeyaan bulshada Islaamka ah iyo diinta Islaamka ahba. TV ga Qaranku waxay ahayd inuu noqdo goob dadka lagu toosiyo, lagu hoga tusaaleeyo, wixii suuban lagu faro, wixii xumaan ahna lagaga reebo, Waase nasiib darro inuu noqdo Goob xumaantu inay faafto loosii dhex mariyo bulshada. Waxa taas kasii daran Iyadoo aad moodid bulshadeenu in aanay ka dhiidhiyeen oo aanay ka gil-gilanayn xumaanta intaa le'eg ee lagu faafinayo Bulshadeena.
Umada Nebi Muxamed SCW ahaan waxaan ku amaananahay oo Illaahay SW kitaabkisa Inaku amaanay '' In aan nahay umada ugu khayrka badan umad lasoo saaray, taas oo aynu ku mudanay, Wanaaga oo aynu isfarno Xumahana inaynu iska reebno'' Iyadoo Illlaahay SW inaku amaanay isfarida wanaaga iyo iska reebista Xumaanta , inaynu Inagii inaynu Xumaanta isku dhex faafino, oo aynu Faristii wanaaga iskaga tagnaa aanay ahayn Caalamad xun oo keensanaysa Cadho Illaah.
Ugu danbayntii Bulshada yaan la jaah wareerin, Yaan la waalin dhalinyarta oo xumaha lagu gar-daadin ee wanaaga hala faro oo haloo dardaarmo samaha iyo Wanaaga, diinteena Suubana Hala Qaato oo halagu dhaqmo, Walahi In aynaan helayn wax ka sharaf badan Diinteena Hadaynu ka tagnona Waynu Duloobi oo halaagsamin.


W/Q: Abdirisak Mohamed Ali

Hadii Maraykanka Hargabka shinburuhu ku dhaco............... ‎فالعجب كل العجب‎

Hadii Maraykanka Hargabka shinburuhu ku dhaco, Dunida Inta Kale wuu ku hindhhisaa.
Odhaahdaa Hadaad Miisaantid waxaa kusoo Baxaaya sawir-dhaqan Somaaliyeed oo Taban. waayo waxay Somalidu ku Caantahay isgaadhsiinta deg-deg ah ee canbaaraynta, Ceebta iyo kashifaada waxyaabo laga bad-badiyey oo xaqiiqada kafog Kaasoo aad arkaysid inuu ku faafay markiiba bulshada dhex-deeda. Markaa waa Boo shakhsi gelay, oo ay ku ladhantahay ka bad-badinta ku hindhisida ama Gaadhsiinta Bulshada inteeda kaleba.

Tuesday, March 10, 2015

Qiso: '' Al-Faqru Yucalimuka Fil Camal''



Waxay eebe Mahadi uga Sugnaatay Inaan Safar aan ku maqnaa aan si Nabad-gelyo ah kusoo guryo Noqday.
Marka Labaad aan Idinla Wadaago Qiso ama sheeko aad u cajiib ah oo aan Intaan safarka soo ahaa aan la kulamy.
Horaa Somali ugu Maah-Maahday Nimaan dhul Marin dhaayo maleh, ee Safarada iyo ka bixitaanka Goobtaad joogta waa mid kula kulansiinaysa waxyaabo ku cajab geliye, dal, dad iyo dhaqano kale oo aad wax ka bowsatid.
Waxay ahayd Abaaro 4:42 Daqiiqo, Goobtu Waa Borama, Waxaan diyaar u ahayn aniga iyo Koox Safarka igula jirtey inaay usoo safarno ama uso amba-baxno Hargeisa, Goor uu gaadhigu Control-ka maraayo, ayaa waxaa wadada Taagan Inan yar oo aan ku qiyaasay 13 jir Da'a ahaan.
Waa inan lawada yaqaano show oo Ay caado u tahay wakhtigan oo kale inuu iska soo xaadiriyo Kontrolka si uu ugu soo boodo Baabuurtaas Safarka ah oo xaafadiisoo Qiyaastii dhawr iyo Soddon Km bari kaga beegan Borama usoo gaadho Goor hore, Ku darsoo Waa Arday.
Ubanayn boos ka bacdi, Inankii Yaraa ayaa sheekadni na dhex martay.
S: Adeer Magacaa?
J: Axmed baa lay yiraahdaa
S: Adeer ma Hargeysaad tegeysaa?
J: Adeer  mayee DILLA baan ku socdaa, oo aan School-ka ka Dhigtaa, Xaafaduna degantahay.
S: Adeer Borama Maxaad u timi Haddaad Schoolka dhigatid, Maanta Miyaad Jartay aad Schoolka.
J: Adeer Borama Waxaan u imaadaa shaqo, oo Baalashle ayaan ka ahay, oo waan ka shaqaystaa si aan u helo wax xaafadu ku noolaato, Iskuulkana Baahiyihisa kale aan ku kafayn karo, Bilaash baan Ku dhigtaaye.
S. Adeer Innan Wanaagsan baad tahaye, Class-kee tahay?
J: Waxaan ahay Ardayda Hadda 8ka ka baxaysa.
Markaan halkaa maraayey ayaan waxa i gashay shucuur kale, waxaan joojiyey inaan Su'aal waydiiyo Danbe, Waxaa Markiiba ii sawirantay, Maanso aan dhawr tuduc ka xususto, Cidii lahaydna aanan garanayn, Laakin Anigoo yar Waalidkay igu Hoga tusaalayn Jireen.
WIIL LABIYO TOBAN JIREY
HADDUU LALI AHAAN WAAYO
MARTI LAYL USOO HOYATAY
HADUU LUUN KA BI'IN WAAYO
RAGANIMO LUDEED KUMA MAQNEE
LIICYE BAL OGAADA.

Aad bay kuu cajab gelinaysaa markaad aragtid Ahmed oo kale, waxaase aad u naxaysaa markaad aragtid nin dhalinyar Da'a ahaan ka wayn ba Ahmed oo ay isugu beegantay, Misana aan ka faaidaysanayn, oo ka meeraysanaaya waxbrashadii iskadaaba inuu shaqaystee. Taas Macneheedu  Maaha '' Al-Faqru Yucalimuka fil camal'' Mana aha '' Al-tharwatu Tucalimuka fi Raaxa'' ee waa qadiyad ka gun dheer oo ah feker toosan, Halgan nololeed, karti iyo udhalasho ninimo iyo waajihid macaanka iyo qadhaadhka nolosha, iyo Hanaan is dhiibis, Liidnimo iyo Fashilaad hor leh.
Ugu danbayntii Waxaan ku iri Axmed yare, Adeer Dedaal, hana is dhiibin, Waxaan aad ula dhacay Hanaanka fekerkiisa toolmoon iyo qaabka u uwaajahayo nolosha. Waana Hubaal Inuu dhaafay qayrkii iyo Qaarkale oo Da'a ahaan kawayn laakin uu ka feker sanyahay kana maskax badan yahay.


Guul Labada Daaroodba